4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 30, 2014
Al-shabaab oo Cafisay Maxaabiis ku xirnaa Xabsi ku yaalla Degmada Baraawe


Arbaco, July 30, 2014 (HOL) — Xarakada Al-Shabaab ayaa cafis u fidisay maxaabiis ku xirnaa degmada Baraawe ee gobolka Shabeellada Hoose, taas oo ay sheegeen inay ku maamuusayaan maalintii ciidda ahayd ee aynu ka soo gudbnay.

Guddoomiyaha Al-shabaab ee gobolka Shabeellada Hoose, Sh. Maxamed Abuu-Cabdalla ayaa sheegay inay go’aansadeen in shan maxbuus oo xabsiga ku jiray in munaasabada ciida awgeed cafis loo fidiyo.

“Shantan nin ee aan sii daynay dambiyo kala duwan ayay galeen, sannado iyo bilooyin ayayna ku kala xukunnaayeen, kan ugu yar laba bilood ayuu ku xukunnaa, waxaa nala soo gudbiyay in inta badan ay ku tooseen xabsiga, waana lala socdaa xaaladda maxaabiista xabsiga ku jira maalin walba,” ayuu yiri Sheekh Abuu-Cabdalla.

Maxaabiistan lasii daayay ayaan gelin dambiyo waa-weyn sida dilal iyo kuwa kale sida ay sheegen mas’uuliyiinta Al-shabaab, tanina waxay noqonaysaa markii u horreysay oo Al-shabaab ay ku dhawaaqdo in maxaabiis u xirnaa ay cafis u fidisay.

Shanta nin ee Al-shabaab ay cafiska u fidisay ayaa waxay magacyadoodu kala yihiin: Cabdullaahi Muuse Xasan, Xuseen Maxamad Awal, Xassan Cali Cuamr, Axmad Jeylaani Siimbaaw, Idriis Ibraahim Sheekh Cabdi.

Al-shabaab ayaa sannadkan in ku dhow 10-qof ku dilay deegaanno kala duwan oo ku yaalla gobollada Koonfurta Soomaaliya ee ay gacanta ku hayaan oo ay ku jirto degmada Baraawe, kuwaasoo lagu eedeeyay inay ahaayeen Jaajuusiin.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya