4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 30, 2014
Axmed Madoobe oo sheegay inay isku diyaariyeen la wareegida Jubbooyinka


Arbaco, July 30, 2014 (HOL) — Hoggaamiyaha maamulka KMG ah ee Jubba, Sh. Axmed Madoobe ayaa sheegay in maamulkiisu uu u diyaar-garoobay sidii deegaannada ka maqan gacantooda ee Jubbooyinka ay dib ugu soo ceshan lahaa.

Sh. Axmed Madoobe ayaa sheegay inay sugayeen inta ay ka dhammaanayso bishii Ramadaan, balse ay howlgalkooda billaabayaan, isagoo shacabka iyo ciidamada ugu baaqay inay u diyaar-garoobaan dagaal kama dambeys ah oo ay la galaan Al-shabaab.

“Waxaa u diyaar-garownay weerar aanu doonayno inaan ku qaadno meelaha Jubbooyinka ay ka haystaan cadowga, waa in loo diyaar garoobaa sidii aan uga cadowgaas deegaannadeenna uga saari lahayn,” ayuu Axmed Madoobe war-fidiyeenka ugu sheegay Kismaayo.

Hoggaamiyaha ayaa xusay in qorshahooda ugu weyn uu yahay sidii gobolka Jubbada dhexe oo ay gacanta ku hayso Al-shabaab ay duulaanka xooggan ugu qaadi lahaayeen si ay kooxdan uga saaraan.

Dhanka kale, Sheekh Axmed Madoobe wuxuu sheegay in howlgalkan ay ka qaybqaadan doonaan ciidamada Kenya ee AMISOM ka tirsan, iyadoo dhaq-dhaqaaqyo ciidan laga dareemayo xarumaha ay ciidamada Kenya iyo kuwa Jubba ku leeyihiin magaalada Kismaayo.

Inkastoo maamulka KMG Jubba uu shaaciyay inay weerar ku yihiin meelaha ay Jubbooyinka kaga sugan yihiin Al-shabaab, ayaanay haddana jirin wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca Al-shabaab.

Maamulka KMG ah ee Jubba ayaa wuxuu ka taliyaa saddex gobol oo ku yaalla Koonfurta Soomaaliya, kuwaasoo kala ah: Jubbada Hoose, Jubbada Dhexe iyo Gedo, iyadoo inta badan deegaannadaas aysan gacantooda ku jirin.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya