4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 29, 2014
Yuhuudda oo xoojisay duqeynta ay kawado Marinka Gaza ee dhulka Falastiin


Talaado, July 29, 2014 (HOL) — Ugu yaraan 110 ruux oo shacab ah ayaa ku geeriyooday weerarradii u dambeeyay ee Israa’iil ay xalay illaa waaberigii saaka ay ku qaadeen marinka Gaza ee dhulka Falastiin.

Weerarradan ayaa imaanaysa iyadoo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ay Isniinta shalay dalbadeen in xabbad-joojin shuruud la’aan ah ay hir-geliyaan Israa’iil iyo Xamaas, balse taas ma aysan suuro-gelin.

Sida laga soo xiganayo suxufiyiin ku sugan marinka Gaza xalay oo ku beegnayd ciida Soon-fur ee muslimiinta ayaa ahayd markii u xoogganeyd ee Yuhuuddu ay duqeeyaan deegaankaas tan iyo markii ay weerarka billowdeen saddex toddobaad muddo ku dhow.

Khudbad uu Isniinta jeediyay ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Natanyahu ayuu ku sheegay in hawlgallada ay kawadaan marinka Gaza ay noqon doonaan kuwo daba-dheeraada, isagoo shacabka Falastiin ee Gaza ku nool ugu baaqey in ay ka baxaan magaaladaas.

Waqti yar kaddib khudbaddii ra’iisul wasaaraha Israa’iil ayaa waxaa Gaza ka billaabatay duqeyn xooggan kuwaasoo geystay khasaaraha nafeed ee faraha badan.

Magaalada Rafax waxay duqeyntu ku dishay shan qof oo dumar ah iyo ilmo yar, sidoo kale xerada qaxootiga ee Bureyj waxay ku dileen toddoba qof oo kale, isla habeenkii xalay waxay Israa’iil duqeysay guriga Ismaaciil Hanniya, laakiin ma jirin cid wax ku noqotay.

Yuhuudda ayaa la sheegayaa in 24-kii saac ee u dambeeyay laga diley shan askari, taasoo dhimashada ciidamada Yuhuudda ka dhigaysa 53 askari tan iyo markii ay weerarrada dhulka ah billowdeen.

Tan iyo markii Israa’iil ay duqeynta ku billowday marinka Gaza waxay ku dileen 1,100 qof oo Falastiiniyiin ah. Inta badan dadkan ayaa ah rayid aan dagaalka lug ku lahayn, waxayna isugu jireen; carruur, haween iyo waayeel.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya