4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 29, 2014
IGAD oo iska fogeysay War lagu daabacay Warbaahinta Soomaalida qaarkeed

Talaado, July 29, 2014 (HOL) — War-saxaafadeed kasoo baxay xafiiska wakiilka urur-goboleedka IGAD ee Muqdisho, Jamaal Axmed Ibraahim ayaa lagu beeniyay war qaar ka mid ah warbaahinta Soomaalidu ay baahiyeen, kaasoo ku saabsanaa in xafiisku uu wado qorshe uu madaxtooyada Somalia ku geliyo hub sharci-darro ah.

IGAD ayaa war-saxaafadeedkeeda ku sheegtay in warka ay baahiyeen qaar warbaahinta ka mid ah uu yahay mid been abuur ah oo aanay waxba ka jirin, xafiiskoodana uu ku howlan yahay taageeridda iyo caawinta dowladda federaalka Soomaaliya.

“Xafiisyada IGAD wuxuu ku howlan yahay taageeridda dowladda Soomaaliya iyo hir-galinta nabadgalyada ummadda Soomaaliyeed, arrintaasna marqaati waxay u tahay wax hubsasho la’aanta, isla markaana lagu doonayo si beesha caalamka loo marin habaabiyo,” ayaa war-saxaafadeedka IGAD lagu yiri.

Ugu dambeyn, ururka ayaa warkiisa ku sheegay in xafiiskooda Muqdisho uu u taagan tahay la shaqeynta hay’adaha dowladda iyo dhiirri-gelinta amniga, isla markaana aysan dheg-jalaq u siin doonin warka been abuurka ah ee ay baahinayaan warbaahinta qaarkeed.

Wakiilka ayaa warbaahinta baahiyay warkan baahiyay ku tilmaamay kuwo aanay hufnayn howlahooda saxaafadeed, isagoo ugu baaqay inay iska hubiyaan mar walba wararka ay baahinayaan.

Dowladda Soomaaliya weli kama hadlin warkan IGAD ay ku tilmaantay inuu yahay mid been abuur ah oo lagu sheegay in xafiiska ururka ee Muqdisho uu qorsheynayo inuu hub sharci-darro ah geliyo madaxtooyada Soomaaliya.

Arrintan ayaa waxay imaanaysaa iyadoo Al-shabaab ay sannadkan oo keliya weerareen xarunta madaxtooyada Soomaaliya laba jeer, iyadoo weerarkii ay ku qaadeen bishii Feberaayo ee sannadkan ay ku dhinteen mas’uuliyiin sare oo dowladda ka tirsan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya