4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 29, 2014
Hay’adda HARO oo soo gunaanaday baraamij isugu jiray Afurin iyo Zako bixin


Talaado, July 29, 2014 (HOL) — Hay’adda Humanitarian African Relief Organization ee loosoo gaabiyo HARO ayaa soo gunaanadday gargaar raashin sakaatul fidri ah oo ay ka qaybisay gobolka Banaadir, gaar ahaan degmada Wadajir iyo gobollo kale, waxaana sakaatul fidrigaas ka faa’iideystay dad badan oo isugu jiray dan-yar, barakacayaal iyo agoon.

HARO oo deeqdan kasoo ururisay walaalaha Soomaaliyeed ee Waqooyiga Ameerika ku nool, kuwaasoo ugu talo-galay in la siiyo dadka ku dhibaateysan gobolka Banaadir, waxaana intii ay socotay howshan goob-joog ka ahaa mas’uuliyiin ka tirsan xafiiska HARO ee Soomaaliya.

Hay’adda ayaa sidoo kale soo gunaanadday mashruuca ay ugu magacdartay afurinta dadka aan heli karin; waxay ku afuraan kuwaasoo u badnaa dad masaakiin ah, iyadoo dadkii ka faa’iideystay sakaatul fidriga iyo kuwii la afurinayay bishii Ramadaan ay si aad ah ugu mahad-celiyeen hay’adda HARO.

Dadkan masaakiinta ah ayaa ka codsaday hay’adda HARO inay sii wadaan  barnaamijyada lagu afurinayo dadka masaakiinta ah ee aan waxba haysan, sidoo kale bixinta sakaatul fidriga lasii wado, iyadoo mas’uuliyiintii ka socday Hay’adda HARO ay ballan-qaadeen inay halkaas kasii wadi doonaan howlaha ay ugu adeegayaan dadka dhibaateysan iyo kuwa barakacayaasha ah.

Qaar ka mid dadkii la siiyay sakaatul fidriga iyo kuwii ka faa’iideystay afurka ayaa u mahad-celiyay walaalaha Soomaaliyeed ee Waqooyiga Ameerika oo soo dhiibay deeqdan, waxayna Alle ugu baryeen in waxay soo dhiibeen uu ugu bedelo wax ka khayr badan.

Ugu dambeyn, waxay sheegeen in hay’adda HARO aysan ahayn markii ugu horreysay oo ay gargaar ka helaan, iyagoo ka codsaday inay Il gaar ah ku eegaan dadka dhibaateysan ee ku nool Soomaaliya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya