4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 29, 2014
R. Erdogan oo celinaya abaal-marin horay Yuhuudda Maraykanku u siisay

Recep-Tayyip-Erdogan-006.jpg
Talaado, July 29, 2014 (HOL) — Ra'iisul Wasaaraha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa shaaciyey in uu dib u celin doono abaal-marin sanadkii 2004 uu guddoonsiiyey urur ay leeyihiin bulshada Yuhuudda ah ee dalka Maraykanka ku dhaqan.

Wakaaladda wararka AP ayaa sheegtay in sababta Erdogan uu sidaas u yeelayaa ay tahay kaddib markii ururkii horay abaal-marintaas u siiyey ay ka codsadeen in uu dib usoo celiyo iyagoo ka caraysan qaabka uu uga hadlay duulaanka Israel ee Qaza.

Warqad safiirka Turkiga u fadhiya Washington oo ku hadlaya afka Ra'iisul Wasaare  Erdogan uu u diray  Jack Rosen oo ah madaxa Ururka Yuhuudda Maraykanka, taas oo nuqul kamid ah ay warbaahintu heshay maanta oo Taloodo ah, ayaa waxaa ku qornaa:

"Falalka ay Israel ka wado Qaza iyo go'aanka aan munaasibka ahayn ee ay Yuhuudda Maraykanku arrintaas ka qaateen dartood, Erdogan wuxuu aad ugu faraxsan yahay inuu soo celiyo abaal-marinta"

Todobaadkii hore, waxaa Jack Rosen  oo warbaahinta la hadlay uu Ra'iisul Wasaaraha Turkiga ku tilmaamay inuu yahay hoggaamiyaha ugu xun hoggaamiyeyaasha dunida, gaar ahaan kuwooda neceb Israel.

Abaal-marinta Erdogan uu dib u celinayo waxaa la siiyey 2004, wuxuuna ku muteystay kaalinta uu ka qaatay nabadeynta iyo xasillooni ka dhalinta Bariga Dhexe iyo weliba sida uu isaga xil saaray dhowrista muwaadiniinta Turkiga ah ee asalkoodu uu Yuhuudda yahay.

Laga soo bilaabo markii uu bilowday duulaanka Israel ee Qaza todobaadyo kahor, waxaa geeriyoodey 1156 qof oo u badan caruur iyo dumar, iyadoo tirada dhaawacuna ay ilaa iyo hadda marayso in ka badan 6500 oo qof.

XIGASHO:


Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya