4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 29, 2014
Baroor-diiq Saado Cali Warsame loogu Sameeyey Dalka Holland (SAWIRRO)


Talaado, July 29, 2014 (HOL) — Waxaa magaalada The Hague ee dalka Netherlands lagu qabtay baroor-diiq loo sameeyay, marxuumad Saado Cali Warsame oo ahayd fannaanad weyn xildhibaan kana tirsanaa baarlamaanka Soomaaliya oo ay kooxo hubeysani 23-kii July 2014-kii, ku dileen magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Munaasabaddan oo ay si wadajir ah u soo qaban-qaabiyeen Somali News Tv iyo Universal Tv, xafiisyadooda Netherlands ayaa waxaa kasoo qayb-galay, culummo, fannaaniin, siyaasiyiin, aqoon-yahanno, madaxda hormuudka u ah jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Netherlands iyo qaybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed ee Holland, iyadoona dhinaca isgaarsiinta ay kaga qayb-galeen ra'iisul wasaarihii hore ee Somalia, Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo farshaxaniiste Amiin Caamir Maxamed. Waxaana hadalka qaybta hore u qaybinaysay dadweynaha, wariye Shaadiya Muxumed Cabdi.

Ugu horreyn waxaa munaasabadda baroor-diiqda marxuumad Saado Cali Warsame ku furay aayadaha Qur’aan iyo fariin diini ah, Sheekh Muuse Cadde oo ka mid ah culummadii kasoo qayb-gashay tacsida.

Mas'uuliyiintii kasoo qayb-gashay munaasabadda ayaa halkaas ka jeediyay khudbado ay ku cabirayeen dareenkooda ku aaddan sida ay ugu xun yihiin una cambaareenayaan falkii lagu dilay Allaha u naxriistee Saado Cali Warsame, waxaana dadkii halkaas ka hadlay ka mid ahaa, Xuseen Qadiib oo ka tirsan hormuudka Somali News TV, guddoomiyaha Dallada FSAN, Dr. Cali Cabdi Waare, fanaanka weyn, Cabdi Cali (Bacal-waan), Inj. Axmed Maxamuud Xandulle, Drs. Zahra Naaleeye, fanaanadda, Laki Xaaji Waceys, fanaanka Cabdi Baadil, Caasha Cabdi Kaliil. Jawaahir Axmed iyo Sahro Xuseen Muuse.

Ra'iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Farmaajo ayaa ku tilmaamay Saado Cali qof geesiyad ah oo ogoleyd inay nafteeda u hurto sidii dalka Soomaaliya uu dib u hagaagi lahaa, xilli ay ku kulmeen Muqdisho, isagoo xusay inuu arki jiray Saado oo ilaalo la’aan ah meeshii ay doonto ka tageysa Muqdisho.

Farmaajo wuxuu cambaareyn dusha uga tuuray kuwii dilay Saado Cali, isagoo carrabka ku ballaariyay in loo baahan yahay in deg-deg loo baaro arrintaas.

Amiin Caamir oo ah farshaxamiiste si weyn uga hadla tacadiyada Soomaaliya iyo caalamka kale ka dhacda ayaa qadka telefoonka uga qaybgalay baroor-diiqda isagoo jooga dalka Kanada, wuxuuna sheegay in cambaareyn kaliya aan looga hadli karin dilkii Saado Cali, balse loo baahan yahay in la habaaro kuwii dilkaasi ka dambeeyay, isagoo dowladda ka codsaday inaan laga harin dhagar-qabayaashii dilay Saado Cali.

Fanaanka Cabdi Cali Baacal-waan ayaa ka taariikheeyay aqoontii uu u lahaa marxuumad Saado Cali Warsame oo ay kawada tirsanaan jireen hobolladii Waaberi, wuxuuna marxuumadda ku sifeeyay inay ahayd shaqsi ay ku weyn tahay Soomaalinimada iyo dal jaceylka, isagoo tacsi guud u diray dhammaan fannaaniinta Soomaaliyeed meel kasta oo ay adduunka kaga sugan yihiin iyo ehelkii ay ka geeriyootay AUN, Saado Cali Warsame.

Sidoo kale, fanaanka Cabdi Baadil Ibraahim oo ay aad isugu dhawaayeen Saado Cali, isla markaana lahaa inta badan la xamada heesaha ay Saado ku soo can-baxday ayaa sheegay inuu aad uga naxay geerideeda, isagoona ku daray intaas inay maalmo yar ka hor ay ku ballameen inay sannadka cusub ku kulmi doonaan Holland, si heeso ay horey ay u wada-qaadeen muuqaal ugu sameyn lahaayeen. Isagoo halkaas kusoo bandhigay hees baroor-diiq ah oo uu ugu magacdaray [Wey socotay SAADO].

Abwaannada kala ah; C/rashiid iyo Khadra Cawil ayaa iyaguna xafladda ku soo bandhigay gabayo iyo maansooyin ay ka sameeyeen falkii lagu dilay Allaha u naxriistee AUN, Saado Cali Warsame, iyadoo dadweynihii halkaas isugu yimid ku baraarujisay qiimaha wadaniyadda iyo sida ay ugu xun yihiin in dadka waxtarka ah la laayo.

Dhinaca kale, baroor-diiqda loo sameeyay Saado Cali Warsame ayaa intii ay socotay waxaa lagu soo bandhigay dood ku aadanayd sida xal looga gaari karo dilalka soo noq-noqday ee gudaha Soomaaliya loogu geysanayo dadka wax-tarka ah iyo shacabka aan waxba galabsan.

Doodda ayaa waxaa ka qayb-galay oo marti ku ahaa, Ruqiyo Cadow, Xamza Sheekh Xuseen (Hanoo-laato)  Cali Yaxye oo ka mid ah madaxda SOMNEWS TV, Daahir Cali Kamiin, Cabdirashiid Ibraahim Maxamed iyo qaar ka mid ah ka qayb-galayaasha baroor-diiqda. Waxaana dhammaan dadkii dooddaas ka hadlay ay muujiyeen inaan lagu jiri karin cambaareyn iyo tacsi, balse loo baahan yahay isbedel muuqda oo lagu sameeyo ammaanka dalka.

Dhamaan dadkii kasoo qayb-galay baroorta Saado Cali Warsame ee lagu qabtay magaalada The Hague ayaa farriin u diray dowladda Soomaaliya, iyagoo ka codsaday in si cad loo baaro dilkii AUN, Saado Cali Warsame isla markaana ciddii ka dambeysay cadaaladda la hor-keeno.

Baroor-diiqda ayaa waxaa soo xiray, Ibraahim Maxamuud (Feynuus) oo ka mid ah madaxda SOMNEWS TV oo baroorta soo qabanqaabiyay, wuxuuna u mahadceliyay dhammaan dadweynihii kasoo qayb-galay tacsida.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya