4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 29, 2014
MADAXWEYNAHA SOMALIA: "Soomaalidu meel ha iska dhigaan Qabyaaladda"


Talaado, July 29, 2014 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dib u dhaca ku yimid Soomaaliya uu salka ku hayo qabyaadda iyo wax-yaabo aan u habbooneyn mustaqbalka Soomaaliya.

Xasan Sheekh ayaa intaa ku daray in loo baahan yahay in laga gudbo qab-yaaladda iyo faquuqa dhex-yaalla ummadda Soomaaliyeed, meelna la isaga tuuro wax kasta oo ka hor-imaanaya midnimada Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu tilmaamay in tallaabo kasto oo la damco in dhinaca wanaagga loo qaado ay caqabad ku noqonayaan dad eegaya danaha qabiilka ay matalaan, kuwaasoo u baahan in la qanciyo.

Sidoo kale, madaxweynaha ayaa hadalkan ka sheegay Masaajidka weyn ee isbaheysiga Islaamka ee Muqdisho oo uu shalay kula tukaday boqollaal dad iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya.

“Qabyaaladda waa tan dib u dhaca ku keentay Somalia, waxaana shacabka Soomaaliyeed ugu baaqayaa inay meel isaga tuuraan qabyaaladda iyo wax walba oo Qarannimada Soomaaliya,” ayuu yiri madaxweyne Xasan.

Madaxweynaha ayaa sheegay in qabyaaladda ay Soomaaliya dhigtay halka ay maanta taallo, dhexdana loo xirto sidii dalka looga saari lahaa colaaddii uu muddooyinka badan kusoo jiray, si caalamka loola tartamo.

Dhanka kale, madaxweyne Xasan ayaa shacabka Soomaaliyeed weydiistay inay taageeraan dowladda Soomaaliya, isagoo ballan-qaaday in dowladda ay ku dadaalayso dhaqan-gelinta lixdii qodob ee ay horay u ballan-qaadday.

Madaxweynaha  Soomaaliya ayaa shalay ku baaqay in la joojiyo colaadaha ka jira gobollada dalka qaarkood, kuwaasoo u dhexeeyo beelo Soomaali ah, isagoo xusay in colaaddu uu dhiig ku daato, balse aysan waxba soo kordhin.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya