4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 29, 2014
AMISOM oo Kulan Amniga looga Hadlayay ku Qabatay Baydhabo (SAWIRRO)


Talaado, July 29, 2014 (HOL) — AMISOM ayaa shir looga hadlayay ammaanka iyo la-dagaalanka Al-shabaab oo ay ka qaybgaleen waxgarad iyo xubno ka tirsan maamulka gobolka Bay ku qabatay magaalada Baydhabo, iyadoo uu shirkaas ka hadlay taliyaha ciidamada Itoobiya ee ka tirsan AMISOM.

Jen. Gebremedhin Fikadu ayaa kulanka ka sheegay in kulanku uu yahay mid muhiim ah oo kusoo beegmay xilli ay Al-shabaab sii waddo weerarrada ay la beegsanayso dadka shacabka ah.

“Xog is-dhaafsiga ku saabsan amniga waa mid muhiim ah, dhammaanteenna waxaan isugu nimid sidii aan warbixinno u kala qaadan lahayn. Dagaalka Al-shabaab lagula jiro waa mid ay hoggaankiisa leeyihiin Soomaalida, AMISOM waxay halkan u joogtaa sidii ay u taageeri lahayd maamullada Soomaalida ayna uga qaybqaadan lahayd dagaallada lagula jiro Al-shabaab, waanan sii wadaynaa caawinta walaalaheen illaa nabadda dalkan lasoo celinayo,” ayuu yiri Jen. Fikadu.

AMISOM ayaa sheegtay in 22-kii bishan lagu xiray deegaanka Daynuunaay ee gobolka Bay kana xigta Baydhabo dhinaca bariga qiyaastii 22-km sarkaal sare oo ka tirsan Al-shabaab. Kaddib koox Al-shabaab ka tirsn ay dad rayid ah ku dileen deegaankaas.

Sidoo kale, waxay sheegtay AMISOM in magaalada Baydhabo lagu dilay mid ka mid ah saraakiisha Al-shabaab oo magaciisa lagu sheegay, Cabdi Xasan Doodaale, kaddib markii ay isaga iyo xoogag Al-shabaab ka tirsan ay soo weerareen saldhigyo ciidan iyo xabsiga magaalada Baydhabo.

Saraakiisha AMISOM ee Baydhabo ku sugan ayaa uga mahadceliyay dadka degmadaas iyo maamulladaba sida ay gacanta ugu siiyaan ciidanka AMISOM howlgallada lagu adkeynayo ammaanka iyo guud ahaan gobollada Bakool iyo Bay.

“Waxaan uga mahadcelinayaan shacabka gobollada Bay, Bakool iyo Gedo sida ay gacanta ugu siiyaan AMISOM howlgalladooda. Toddobaadkii hore waxaa ka dhacay gobolka Bay dagaal u dhexeeyay shacabka iyo Al-shabaab, taasoo ah markii ugu horreysay oo shacabku ay tallaabadan oo kale qaadaan, waxaan caddeynayaa inaan taageerayno cid walba oo dagaal kula jirta Al-shabaab,” ayuu mar kale yiri Jen. Fikadu.

Ciidamada Itoobiya ee qaybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa ka howlgalaan gobollada Bay, Bakool iyo Gedo, iyagoo sannadkan ka qabsaday Al-shabaab deegaanno ku yaalla gobollada Bakool iyo Gedo.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya