4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 29, 2014
RA'IISUL WASAARAHA: Puntland waxaa la leennahay Xiriir aad u Wanaagsan

Talaado, July 29, 2014 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, C/weli Sheekh Axmed Maxamed ayaa sheegay in maamulka Puntland iyo dowladda dhexe ee Soomaaliya uu ka dhexeeyo xiriir wanaagsan.

Mudane C/weli Sheekh ayaa sheegay in isaga iyo madaxweynaha Somalia ay booqan doonaan dhawaan deegaannada Puntland, taasoo uu sheegay inay u tahay caddeyn xiriirka wanaagsan ee dowladda Soomaaliya iyo Puntland u dhexeeya.

“Puntland waa maamul ka mid ah maamullada Soomaaliya ee xiriirka aadka u wanaagsan uu kala dhexeeyo dowladda federaalka Soomaaliya, waxaana si cad u qirayaa in maamulkan uu yahay mid horumar ballaaran sameeyay,” ayuu yiri ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

Sidoo kale, ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, wuxuu xusay in madaxweynuhu uu horay u booqday Puntland, haddana uu booqan doono mar kale, laakiinse isagu uusan weligiis booqan oo booqashada uu ku tagayo ay tahay tiisii ugu horreysay oo Puntland uu ku tago.

Ra’iisul wasaare C/weli Sheekh ma uusan sheegin xilligan u booqan doono Puntland iyo xilligu u madaxweynuhu booqanayo, balse wuxuu ku gaabsaday inay labadooduba booqan doonaan dhawaan.

Mudane C/weli Sheekh ayaa dhowr jeer oo hore isku diyaariyay inuu booqdo Puntland, balse dib u dhac ayaa ku yimid, iyadoo aan la sheegin sababaha keenay dib-u-dhacyadan.

Dhanka kale, ra’iisul wasaaraha Somalia ayaa ugu baaqay shacabka inay gacan ka geystaan sugidda ammaanka dalka, ayna gacan siiyaan ciidamada dowladda ee ku howlan sidii ay uga hortegi lahaayeen falalka amni-darro ee ka dhaca gobollada dalka qaarkood iyo magaalada Muqdisho.

“Waxaan shacabka Soomaaliyeed ka codsnayaa inay gacan nagu siiyaan sidii aan uga hortegi lahayd dhibaatooyinka ay cadowgu geysnayaan, si dalkaan loogu soo celiyo nabad iyo deggenaasho buuxda,” ayuu yiri C/weli Sheekh.

Hadalka ra’iisul wasaaraha ee ku aaddan in shacabku ay qayb ka qaataan sidii loo sugi lahaa ammaanka ayaa imaanaya iyadoo bishii Ramadaan ay ka geysteen Al-shabaab weeraro iyo dilal qorsheysan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya