4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 29, 2014
Deegaanno ka mid ah gobollada Mudug iyo Galguduud oo Maanta laga ciidayo

Talaado, July 29, 2014 (HOL) — Deegaanno ka tirsn gobollada Galguduud iyo Mudug ee bartamaha Soomaaliya ayaa maanta laga ciidayaa maalintii koowaad ee ciidda-soon-fur, iyadoo dadka ku nool deegaannadaas ay soomanaayeen maalintii 30-aad ee Ramadaanka, xilli dunida Islaamka oo dhan laga ciidayay.

Maamulka Ahlusunna Waljamaaca ee gobollada dhexe ayaa ku dhawaaqay in maanta ay tahay maalinta koowaad ee ciidul-fidriga, iyadoo mas’uuliyiinta iyo dadka deegaanku ay saakay ku tukanayaan faraarayaal waaweyn oo ku yaalla deegaannadaas.

Goobaha maanta laga ciidayo ayaa waxaa ka mid ah; degmooyhinka Guri-ceel, Dhuuso-mareeb iyo Caabduwaaq oo uu ka taliyo ururka Ahlusunna iyo deegaanno kale oo ku tirsn gobolka Mudug, waxaana tani ay qayb ka tahay khilaafaadyada soo laalaabtay ee u dhexeeya dadka Soomaaliyeed marka la gaaro ciidaha iyo soonka.

Masaajidda deegaannadaas ayaa waxaa saakay laga maqlayaa takbiirta, iyadoo lagu arkayo dadweynaha badan oo jidadka ku sugan, kuwaasoo ku faraxsan ciidda, waxaana kaloo waddooyinka lagu arkayaa carruur labisan oo ciidaya.

Sidoo kale, goobaha laga ciidayo maanta waxaa ka mid ah koonfurta degmada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug halkaasoo ah xarunta maamulka Gal-mudug, iyadoo ammaanka xaafadaha koonfurta Gaalkacyo ay adkeeyeen ciidamada maamulma.

Mas’uuliyiinta maamulka Galmudug ayaa lagu wadaa inay salaadda ciidda kaddib la hadlaan dadweynaha, si ay ugu boorriyaan inay qayb ka qaataan sugidda amniga deegaannadaas.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya