4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 29, 2014
Shabaab oo sheegay inay beegsanayaan diyaaradaha sahayda u sida AMISOM


Talaado, July 29, 2014 (HOL) — Xarakada Al-shabaab ayaa ku gooddisay in ay beegsan doonto diyaaradaha sahayda u sida ciidamada AMISOM ee ku sugan gobollada Somalia.

Sheekh Cali Dheere oo boqollaal dadweyne ah kula halayay Baraawe kaddib salaaddii ciidda ee shalay ayaa sheegay in AMISOM ay ku jiraan xaalad aad u adag, ayna ku go’doomiyeen deegaannadii ay Al-shabaab ka qabsadeen sannadkan.

“Ciidamada AMISOM waxay kasoo bixi la’yihiin dhufeysyadooda, waayo waa ku go’doonsan yihiin deegaannadii ay qabsadeen, waxaa sahayda u geeya diyaarado kuwa qummaatiga u kaca ah, kuwaasna waan beegsan doonnaa,” ayuu yiri  afhayeenka Al-shabaab.

Afhayeenka oo sii hadlaya ayaa sheegay inay dhawaan diyaarad ka mid ah kuwa sahayda u geeya ciidamada AMISOM ee ku sugan gobolka Galguduud ay ku guuleysteen inay soo ridaan, ayna qorsheyanayaan inay kuwa kalena sidaas oo kale u soo ridaan.

Dhanka kale, afhayeenka AL-shabaab wuxuu sheegay inay weerarradoodii Muqdisho sii wadayaan, isagoo xusay inay xoogaggoodu diyaar u yihiin inay naftooda huraan sidii ay cadowga ula dagaalami lahaayeen.

“Waxaa naga go’an inaan weerarno, madaxtooyada, garoonka diyaaradaha iyo meelaha muhiimka ah sida isgoyska KM-4, nagama hor-istaagi karaan inaan weerarro ka fulinno goobahaas. Innaga waan isku kallsoonnahay 100%, dibadda ayaana soo istaagi doonnaa, waana la arki doonaan keennii dhinta,” ayuu Sheekh Cali Dheere hadalkiisa ku daray.

Al-Shabaab ayaa Muqdisho ka fulisay bishii Ramadaanka ee lasoo dhaafay weerarro isugu jiray dilal qorsheysan, dagaallo iyo kuwo toos ah oo xarumo ay ka mid tahay madaxtooyada la beegsadeen.

Dilalkii ka dhacay Muqdisho ee ay Al-shabaab geysatay ayaa waxaa inta la ogyahay ku dhintay 71-qof oo ay ku jiraan laba xildhibaan oo baarlamaanka Soomaaliya ka tirsan, kuwaasoo ay toogteen rag gaadiid wata.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya