4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 28, 2014
Magaalada St Paul ee gobolka Minnesota oo si weyn looga ciiday (SAWIRRO)


Isniin, July 28, 2014 (HOL) — Xarunta Excel Energy Center ee magaalada St Paul ayaa waxaa isagu soo baxay boqollaal ruux si ay ugu gudaan salaadda ciidda. Abaarahii 7:30-kii subaxnimo ee xilliga Mareykanka ayaa waxaa goobta soo galayay dad raxan-raxan u socda kuwaasoo qaarkood takbiirta kor u qaadayay, taasoo lagana maqlayay jidka hareerahiisa.

Isu imaatinka goobtan oo ay soo abaabuleen masjidul dacwa oo ah masjidkii ugu horreeyay ee laga furo magaalada St Paul iyo masjid daarul-faaruuq ayaa waxaa khudbado qiimo leh u jeediyay dadwaynahii isagu yimid Sheekh Xasan Jaamici oo ah imaamka masjidka dacwa iyo Sheekh Waliid Al-zamani oo ka mid ah culummada gobolka Minnesota.

Sidoo kale, waxaa goobta ka hadlay taliye ku xigeenka ciidamada booliska St Paul, isagoo ka codsaday shacabka Soomaaliyeed inay ciidamada gacan siiyaan, wuxuuna ku war-galiyay inay xiisaynayaan in dhalinta Soomaaliyeed ay kusoo biiraan booliiska magaalada St Paul oo illaa hadda ay ka mid tahay gabar Soomaaliyeed oo ah tii ugu horreysay oo ku biirta booliiska St Paul iyo wiil isaguna kasoo jeeda qoomiyadda Soomaalida.

Dadweynahii goobta isagu yimid oo ay ka muuqatay farxad iyo reyn-reyn ayaa dhinac walba ka muuqday; iyagoo salaan gacaltooyo xabadka isagu saarayay.

Waxaan goobta kula kulannay dadweyne fara badan innagoo dhawaan idiin soo gudbin doonnaa salaamahooda oo maqal muqaal ah, haddii Alle ogolaado.

Siyad Said Salah, Hiiraan Online
[email protected]
Minneapolis, Minnesota