4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 28, 2014
Baydhabo oo si weyn looga Ciiday iyo Ammaanka oo la adkeeyay (SAWIRRO)


Isniin, July 28, 2014 (HOL) — Magaalada Baydhabo ee gobolka Bay ayaa si weyn looga ciiday maanta, iyadoo ammaanka magaalada la adkeeyay, waxaana ciidammo fara badan lagu arkayay dhammaan waddooyinka iyo garoonka ciyaaraha oo lagu tukaday salaadda.

Ciidamada Amisom iyo kuwa dowladda Soomaaliya ayaa ilaalinayay amniga guud ee garoonka Dr. Ayuub ee Baydhabo, iyadoo tukashada salaadda ay ka qaybgaleen dadweyne fara badan.

Tukashada salaadda ciidda ayaa waxaa dadweynaha kala qaybgalay xubno uu ka mid ahaa madaxweynaha maamulka Koonfur-galbeed ee lixda gobal ka kooban, Madoobe Nuunoow Maxamed iyo guddoomiyaha gobalka Bay ee dowladda Soomaaliya, Cabdi Aadan Hoosoow.

Madoobe Nuunnow iyo Cabdi Hoosoow ayaa khubado u jeediyay shacabkii ka qaybgalay tukada salaaddii ciidda ee maanta, iyagoo ugu baaqay in amniga ay kala shaqeeyaan ciidamada iyo inay muujiyaan isku-duubni.

Degmda Baydhabo ayaa maanta laga joojiyey dhaqdhaqaaqa gaadiidka iyo mootooyinka sababo la xiriira amniga, waxaana magaalada iyo garoonka lagu tukanayay salaadda joogay ciidmada Itoobiya ee ka tirsan ciidamada AMISOM, kuwaasoo dadka garoonka galayay baaritaan ku sameynayay.




Hiiraan Online, Baydhabo