4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 28, 2014
Madaxweynaha Puntland oo Maanta cafis u fidiyay in ka badan 100 Maxbuus


Isniin, July 28, 2014 (HOL) — Madaxweynaha Puntland, C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta cafis u fidaysay 120 maxbuus oo ku jiray xabsiyada Puntland, kuwaasoo la sheegay inay ahaayeen kuwo ku eedeysnaa dhibaato u geysteen Shacabka maamulka.

C/weli Gaas ayaa hadalkan sheegay xilli uu maanta dadweyne fara badan kula hadlayay magaalada Garoowe ciidda kaddib, wuxuuna xusay inuu amar ku bixiyay in maxaabiistan laga sii daayo xabsiyada Puntland.

Sidoo kale, madaxweynaha Puntland ayaa khudbadiisii ciidda kaga hadlay cadaalada iyo sinaanta Puntland ka jirta, isagoo dadweynaha u sheegay in maamulkiisu uu ku rajo weyn yahay sidii ay u shacabku u heli lahaayeen nidaam buuxa oo cadaaladeed.

“Maanta waxaan hortiinna cafis ugu fidinayaa 120 maxbuus oo xabsiyada kala duwan ee Puntland ku jira. Maxaabiistan waa kuwo xabsiyada ku jiray muddo, ayna u sii-daayeen si ay qoysaskooda ula  qaataan farxadda ciidda,” ayuu yiri madaxweynaha Puntland.

Cafiskan ayaa noqonaya kii ugu horreeyay oo uu madaxweynaha Puntland u fidiyo maxaabiis, tan iyo markii uu xilka la wareegay bishii koowaad ee 2014-ka xilligaasoo uu ku guuleystay doorashadii madaxnimo ee Puntland ka dhacday.

Inkastoo madaxweynuhu uu cafis u fidiyay maxaabiistan tiradoodu tahay 120-ka qof ayuusan haddana sheegin noocyada ay kala yihiin rag iyo dumar, sidoo kalena ma sheegin xabsiyada ay ku kala xiran yihiin.

Xabsiyada Puntland ayaa waxaa ku xiran boqollaal qof oo dambiyo kala duwan ku eedeysan, kuwaasoo ay ku jiraan askar iyo xubno Al-shabaab ka tirsan oo ku xukuman dilal toogasho.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya