4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 28, 2014
Tirada Muslimiintii lagu dilay Mombasa labadii sano ee aynu kasoo gudubnay


Isniin, July 28, 2014 (HOL) — Ugu yaraan 21 qof oo muslimiin ah isuguna jiray wadaaddo iyo dad shacab ah ayaa lagu dilay magaalada Mombasa ee dalka Kenya labadii sano ee aan soo dhaafay, sida ay sheegtay hay’adda xuquuqda aadanaha ee Haki Afrika oo xarun ku leh dalka Kenya.

Dilka culummada ayay xukuumadda dalka Kenya waxay ku eedeysay inay ka dambeeyeen koox argagaxiso ah oo xiriir la leh Al-shabaabta Soomaaliya. Iyadoo xukuumaddu Kenya ay diidday inay ciidamadeedu ka dambeeyaan dilalka culummadaas.

Guddoomiyaha magaalada Mombasa, Nelson Marwa oo la hadlayay IRIN ayaa yiri: “Way fududahay in la ogaado kooxihii dilalkaas ka dambeeyay, inkastoo hay’adaha xuquuqda aadanaha ay ku baaqeen in dilalkaas baaris lagu sameeyo.”

Xukuumadda Kenya ayaa sheegtay in Mombasa ay kooxaha xag-jiriinta ah ka qorataan dhallinyarada si ay ugu dagaalamaan, iyagoo si gaar ah farta ugu fiiqay masaajidda ku yaalla Mombasa ay yihiin kuwa ugu badan ee dhallinyarada laga qorto.

Madaxa golaha muslimiinta Qaranka dalka Kenya, Sheekh Uma Ngao ayaa xusay in shaqo la’aanta jirta ay kooxaha argagaxisada ah uga faa’iideysanayaan in dhallinyarada ay dalka Kenya ka qortaan. Isagoo xusay in ruux kasta oo kooxahan ay dalka ka qortaan ay siiyaan lacag dhan 1,150 doollarka Mareykanka ah.

Dilalka culummadan muslimiinta ah ee ka dhacay Mombasa iyo daafaheeda ayaanay jirin weli cid ay dowladda Kenya u qabatay, iyadoo kooxaha dilalkooda ka dambeeyayna ay baxsadeen, waxaana dilalkan ay sababeen rabshado maalmo socday oo magaaladaas ka dhacay,

Magacyada Muslimiinta la dilay, Xilligii la dilay iyo Halka lagu dilay:

10-kii Abriil, 2012: Waxaa la dilay Sheekh Maxamed Qaasim, kaddib markii la qarxiyay bas uu saarnaa, lix qof oo kale ayaana la geeriyooday, iyadoo ay ku dhaawacmeen 60-qof. Iyadoo maydkiis laga helay deegaanka Kilifi, waxayna ehelladiisu sheegeen in lagu afduubay baska lala dilay.

13k-kii Abriil, 2012: Waxaa la dilay Sheekh Samir Khan, iyadoo maydkiisa laga helay dhul howd ah oo ku yaalla deegaanka Taita Taveta oo Mombasa iyo Nairobi u dhexeeya, kaddib markii la la’aa saddex maalmood.

27-kii Ogoosto, 2012: Waxaa la dilay Sheekh Cabuud Roogo oo Mareykanka iyo Qaramada Midoobay ay ku eedeeyeen inuu xiriir la lahaa Al-shabaabta Soomaaliya. Sheekh Roogo ayaa lagu dilay waddada weyn ee Malindi ee bartamaha magaalada Mombasa, isagoo watay gaarigiisa ayna la socdeen xaaskiisa iyo caruurtiisa.

29-kii Oktoobar, 2012: Waxaa la dilay Cumar Faraj iyo Titus Nabiswa oo ay kala ahayd da’doodu 30-jir iyo 27-jir, iyadoo lagu eedeeya inay ka dambeeyeen weerar ay ku qaadeen ku xigeenka madaxa hay’adda CID-da Mombasa, John Gachomo iyadoo lagu toogtay deegaanka Majengo oo ku dhow Mombasa.

27-kii Juun, 2013: Waxaa la dilay Qaasim Omollo waxaana lagu dilay halka lagu magacaabo Bakarani oo ku dhow Mombasa, iyadoo la sheegay inuu ka mid ahaa xubno ay soo tababartay Al-shabaab, waxaana lagu eedeeyay inuu bambaano ku weeraray ciidamada Kenya.

27-kii Juun, 2013: Waxaa la dilay Saalim Maxamed Neero, waxaana lagu dilay iska-horimaad dhexmaray booliiska Kenya, waxayna ahayd maalintii la dilay Qaasim Omollo. Iyadoo booliisku ay sheegeen inay ka heleen hub isugu jiray qoriga AK-47 iyo rasaas.

03-dii Oktoobar, 2013: Waxaa la dilay Sheekh Ibraahim Cumar Ismaaciiil, Qadaafi Maxamed (Shabe), Cumar Abu-Rumesiya iyo Ciise Cabdalla, iyadoo ay toogteen ciidamada amniga Kenya, kaddib markii ay ku eedeeyeen inay ka dambeeyeen dilkii Sheekh Cabuud Roogo, waxaana lagu toogtay waddo weyn oo ku taalla bartamaha Mombasa xilli ay wateen gaari yar.

Bartamihii bishii July, 2013; Waxay ciidamada nabad-sugidda Kenya dileen, Sheekh Ismaaciil oo ay ku eedeeyeen inuu ahaa madaxa koox Al-shabaab ka tirsan oo saldhig ku leh deegaanka Mtopanga oo ka tirsan Kisauni, Mombasa.

03-dii December, 2013: waxaa la dilay, Faiz Maxamed Rufaaci oo macallin ka ahaa iskuul ku yaalla Malindi, saaxiib dhowrna la ahaa, Axmed Bakshueni, waxaana maydkiisa laga helay xeebta Mamburui oo ka tirsan Magarini, iyadoo booliiska Kenya ay sheegeen inay afduubeen dad looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin kooxo argagaxiso ah oo saldhig ku leh Ngomeni.

06-dii December, 2013: Waxaa la dilay Sheekh Suleymaan Mwayuyu iyadoo kooxo hubeysan ay ku dhex-toogteen gaari bas oo isaga safrayay Mombasa iyo Ukunda. Goobjoogyaal ayaa sheegay inay toogteen Sheekha rag watay gaari yar, iyagoo gaarigii uu saarnaa ku hor-gooyay baskii uu saarnaa kaddibna toogtay.

28-kii Janaayo, 2014: Waxaa la dilay Axmed Cabdalla Bakshueni, waxaana toogtay saddex nin oo watay mooto dhug-dhugleey, iyadoo wadaadkan lagu toogtay meel 200 oo mitir u jirta saldhigga booliiska Malindi. Sheekha ayaa ku sugnaa dukaan uu wax ka iibsanayay markii kooxahan mootada watay ay rasaasta uu u geeriyooday ku furayeen.

01-dii Abriil, 2014: Waxaa la dilay Sheekh Makaburi oo ahaa madaxa masjid lagu magacaabo Muusa oo ku yaalla Mombasa, waxaana la dilay isagoo ka yimid maxkamadda Mombasa, xilli uu u dacwoonayay dhallinyaro laga soo qabqabtay masjidka Muusa oo lagu eedeeyay inay Al-shabaab gacan-saar la leeyihiin. Dowladd Kenya ayaa Sheekha horay ugu eedeysay inuu xiriir dhow la lahaa hoggaamiyihii Al-Qaacida Sheekh Usama Bin Laden, uuna mas’uul ka ahaa weerarro dhowr ah oo lagu qaaday kaniisado ku yaalla Kenya.

10-kii Juune, 2014: Waxaa la dilay Sh. Max'ed Idiris oo ka mid ahaa golaha muslimiinta Kenya, waxayna dabley aan la garanay ku toogteen Likoni oo Mombasa ka tirsan, kaddib markii uu kasoo baxay masjid uu ku soo tukaday salaaddii subax kuna socday gurigiisa.

11-kii July, 2014: Waxaa la dilay Shahid Bhat xilli uu watay gaarigiisa isagoo kana yimid garoonka diyaaradaha Mombasa ee Moi, waxaa gaariga la saarnaa wiil uu dhalay rasaasta ka badbadaay. Shahid Bhat wuxuu ahaa ganacsade si weyn looga yaqaan Kenya oo lahaa shirkad ganacsi oo weyn. Iyadoo billowgii sannadkan loo xiray tuhun ahaa inuu dhalaale ku taageero kooxaha argagaxisada ah, balse eedeyntaas wuu iska fogeeyay.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya