4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 28, 2014
Xubno ka socda Xukuumadda oo Baladweyne kula Ciiday Saraakiisha Jabuuti


Isniin, July 28, 2014 (HOL) — Wasiir ku-xigeenka arrimaha gudaha & federaalka Somalia C/raxmaan Maxamed Saalax Bankax iyo wasiir ku-xigeenka gaashaandhigga, C/raxmaan Cabdi Cismaan oo maalmihii ugu danbeeyayba ku sugnaa magaalada Beledweyne, ayaa maanta farxada munaasabada ciidda kula qaatay saraakiisha iyo ciidamada Jabuuti xarunta ay ka degan yihiin magaalada Beledweyne.

Kaddib salaada ayaa la arkayay saraaakiisha ciidamada Jabuuti iyo xubnaha ka socda xukumada oo is barxabeynaya, islamarkaana isugu tahniyadeynaya maalinta weyn ee ciiddul-fidriga oo maanta looga dabaal-dagay guud ahaanba dunida muslim-ka.

Siddoo kale, mas’uuliyiinta dowladda ayaa la qaatay saraakiisha iyo ciidanka Jabuuti mar-tiqaad lagu soo bandhigay cunno fudud, taasoo qeyb ka aheyd farxada ciidda.

Wasiir ku-xigeennada iyo saraakiisha ciidamada Jabuuti ayaa si wadda jir ah alle uga baryay in guud ahaan umadda muslim-ka ah dhibaatada ka dul-qaado, gaar ahaan umadda Soomaaliyeed iyaga oo ka codsaday bulshada in ay is cafiso.

Xubnaha wasiirrada ah ee ka socda xukuumada Somalia ayaa maalmihii ugu danbeeyayba u joogay magaalada Beleweyne siddii loo soo afjari lahaa khilaafka u dhaxeeya beello dhawaan ku dagaallamay deegaannka Deefoow.

Ciidamada Jabuuti ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa marka laga soo tago howlaha militari oo ay u joogaan gobolka waxaa ay xiriir dhaw la leeyihiin bulshada, iyaga oo ka wada qeyb-galla munaasabadaha iyo fantisyaha maalmaha ciidda, taasoo xoojisay isku kalsoonaanta labada dhinac.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya