4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 28, 2014
Ku simaha Madaxa AMISOM oo Soomaalida ugu Hambalyeysay Ciidul-fidriga


Isniin, July 28, 2014 (HOL) — Ku-simaha ergayga ururka Midowga Afrika ee Soomaaliya iyo AMISOM, Lydia Wanyoto Mutende ayaa hambalyo ku aaddan maalinta ciiddul fidriga oo looga dabaal-dagayo manta Soomaaliya iyo dalalka kale ee Islaam ah.

Lydia Wanyoto ayaa hambalyo gaar ah u dirtay shacabka Soomaaliyeed, iyadoo u rajeysay inay ciiddan teeda kale ku gaaraan nabad iyo barwaaqo, waxayna ku baaqday in laga shaqeeyo nabadda.

“Muslimiinnta caalamka oo dhan waxaan ugu hambalyeynayaa maalintaan weyn ee ciidda. Waxaan si gaar ah hambalyo ugu dirayaa shacabka Somalia oo ku guuleystay inay soo dhameystaan maalmihii soonka,” ayay tiri Lydia Wanyoto.

Ugu dambeyn, Lydia Wanyoto ayaa sheegtay inay shacabka Soomaaliyeed u rajeynayso inay si nabad ah maanta ku ciidaan, waxayna xustay in maalmihii Soonka oo waajib ahaan si wanaagsan.

Midowga Afrika ayaa waxaa kaga sugan Soomaaliya 22,000 oo askari oo ka taageeraya dowladda Soomaaliya dagaalka ay kula jirto Al-shabaab, kuwaas oo ka socda waddamada; Uganda, Kenya, Burundi, Kenya, Jabuuti, Itooriya iyo Sierra Leone.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya