4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 28, 2014
Munaasabada Ciidda oo si weyn looga dabaal-dagay Beledweyne (SAWIRRO)


Isniin, July 28, 2014 (HOL) — Iyadoo maanta guud ahaan marka la eego dunida islaamka, gaar ahaan dalka Somalia bulsha weynta ku dhaqan si weyn ugu dabaal-dagayaan ciiddul-fidriga, ayaa si la mid ah gobollada kale ee dalka magaalada Beledweyne shacabka ku dhaqan waxaa ay maanta siweyn uga qeyb-qaadanayaan fantisyaha iyo farxada maalinta ciidda.

Masaajida ku yaalla xaafaddaha magaalada Beledweyne ayaa subaxnimadii hore ee saakay laga bilaabay aqrinta TAKBIIRTA, waxaana si wadda jir ah rag dumar salaada ciidda loogu wada tukaday masaajida magaalada oo ay soo buux dhaafiyeen dad wajiyadooda laga dheehan karay farxada la xiriirta gudashada waajibaadka bisha Ramadaan iyo maalinta weyn ee loo dabaal-dagayo.

Sallaada kaddib ayeey dadku isugu marxabeynayeen hal ku dhagyo ay ka mid ahaayeen ‘’Ciid Wanaagsan’’ iyo ‘’Kulu Caam Wantum Bikheyr,’’ sidoo kalana waxaa jira martiqaadyo kala duwan oo ay asxaabtu isku sameynayaan.

Gaar ahaan maanta oo kale waxaa siweyn farxad looga dheehan karaan haweenka  caruurta oo ay u tahay maalin ku weyn, iyadoo jidadka iyo xaafaddaha magaalada lagu arkayo caruur raxan raxan u socta, dhar qurxoon ku labisan, islamarkaana gacmaha ku sita agabka kala gadisan oo ay caruurta ku cayaaraan maalinta ciidda.

Sidoo kale, waxaa farxadda ciidda ee maanta dhinacooda ugu dabaal-dagay ciidamada Jabuuti ee howlgalka midowgga Africa AMISOM ee [HIIL Walaal].

Dhinaca kale, wararka HOL ka soo gaaraya degmooyinka Buula-burte, Maxaas, Jalalaqsi iyo Matabaan ayaa sheegaya in shacabka ku dhaqan si la mid ah magaalada Beledweyne siweyn uga qeyb-qaadanayaan munaasabada lagu weyneynayo maalinta ciidda.

Si kastaba ha ahaateen, magaalada Beledweyne waxaa la oran karaa waxaa ay maanta u aheyd maalinta koowaad ee ciidul-fidriga.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledwyene, Soomaaliya