4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 28, 2014
Kulan looga hadlayay sidii qubuuro loo iibsan lahaa oo Minnesota lagu qabtay


Isniin, July 28, 2014 (HOL) — Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Minnesota oo ayaa isugu timid kulan looga hadlayay mashruuca qabuuraha ee Al-maqfira, mashruucan oo ka bilowday masjidka KARMEL ayaa la billaabay xilli laba sano laga joogo, dhulka hadda loo helay mashruucan ayaa dhan 73-hector oo u dhiganta 295,420.51 mitir oo isku wareeg ah oo ah dhul aad u weyn.

Hadaba; kulankan dhaqaalaha loogu ururinayay mashruucan duugta ayay jaaliyadda Soomaaliyeed ee Minnesota waxay ugu deeqeen lacag dhan 1,22, 600 oo doolar Mareykanka ah. Kulan ayaa waxaa ugu horreyn ka hadal ka jeediyay maamulaha mashruuca, Sheekh Xasan Carab oo xusay in dhulka hadda la helay la isticmaali karno ama la isku aasi karo mudo badan haddii la helo lacagta hadda la doonayo dhan 7,50,000 oo doollarka Mareykanka ah, tasoo laga hayo hadda 2,50,000 oo doollar oo keliya.

“Qof haddii uu nag dhinto hadda waxaan bixinaa lacag u dhaxaysa 5,174 illaa 5,674 oo doollar, laakiin markaan dhulka aan iibsano aan ku aasi karno qofka naga dhinta lacag dhan 1,000 doollar oo keliya; lacagtaasoo aan ku bixinayno biyaha, nalka, caws jaridda, baraf xaaqidda iyo wixii la mid ah,” ayuu yiri Sheekh Xasan Carab.

Mashruucan ayaa ka mid noqonaya mashruucyada ugu waaweyn ee dadka muslimiinta ah ee ku dhaqan gobolkan ay awoodda ku saarayaan, waxaad dareemaysaa in baahi weyn loo qabo dhuka lagu aaso muslimiinta hadda ayaa ah meel ay la wadagaan dadka gaalada ah oo goobaha lagu kala aaso u dhaxeeyaan waxaana la dhihi karaa ilaa dhawr iyo soddon talaabo. dhulkaasoo waliba ah kiro lana baabi’in karo qabuurahaa markii la doono.

Sheekh Horseed Nuux oo kulanka ka hadlay ayaa isna sheegay inay muhiim tahay inay muslimiintu yeeshaan dhul u gooni ah; tanina tahay fursad wax ku ool oo loo baahan yahay in cid walba wax ku darsato; isagoo u baaqay ganacsada gobolka inay qaybta ugu weyn ka qaataan mashruucaa duugta ee al Maqfira.

Kulankan oo lagu casuumay ganacsadata, culummaa’uddiinka, siyaasiinta, kuwa haysta shaqooyinka sare iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa la faray in la dar-dar-galiyo mashruucan, culummadii kale ee kulanka ka hadlay waxaa ka mid ahaa, Sheekh Tawakal Yusuuf iyo Sheekh C/rashiid oo labaduba ka mid ah culummaa’uddiinka Soomaaliyeed ee gobalka Minnesota.

Siyad Said Salah, Hiiraan Online
[email protected]
Minneapolis, Minnesota