4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 28, 2014
Safiirka Somalia ee Mareykanka iyo wafdi uu horkacayo oo gaaray Minnesota


Isniin, July 28, 2014 (HOL) — Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Maraykanka, Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayaa booqasho gaaban kusoo gaaray gobolka MN oo ay deggen yihiin Soomaalida ugu badan ee Maraykanka ku nool, waana markii ugu horreysay oo uu cagaha soo dhigto danjire matalaya dadka Soomaaliyeed ee dalkan ku nool tan iyo sannadkii 1992-kii.

Danjire Cumar oo ujeeddada booqashadiisu ahayd inuu u sii gogol-xaaro booqasho dhawaan la falayo inuu Mareykanka ku yimaado madaxwaynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamud, isagoo la kulmi doona jaaliyadda gobolkan Minnesota; waxayna noqonaysaa markii labaad oo madaxwaynuhu yimaado gobolka Minnesota tan iyo markii xilka loo doortay sannadkii 2012-kii.

Garoonka diyaaradaha ee magaalada Minneapolis ayaa waxaa kusoo dhaweeyay danjire Cumar C/rashiid xubno kala duwan oo ka socday jaaliyadda, odayaasha iyo wax-garadka bulshadda Soomaaliyeed ee gobolkan ku nool.

C/kariin Daahir (C. Dheere) oo ah guddoomiyaha guddiga qabanqaabada soo dhaweynta madaxwaynaha Soomaaliya oo HOL kula hadlay garoonka ayaa u sheegay in howsha qabanqaabadu socotay muddo bil ah; ayna noogu socoto sidii aan rabnay dadwaynaha gobolkuna ay diyaar u yihiin soo dhaweenta madaxwayne, Xasan Sheekh.

Sidoo kale, C/kariin Dheere wuxuu HOL u sheegay in soo dhaweyntan ay dhinac socoto mid kale oo aan kusoo dhaweenaynayno madaxwaynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle oo isna la hadli doona jaaliyadaha Soomaalida iyo Jabuuti ee gobolka ku nool, lana kulmi doona ganacsada daneyneysa inay maal-gashi ku samaysataan dalka Jabuuti.

Waxaan kaloo goobta kula hadalnay, Maxamed Keynaan oo ka mid ah gudigga farsamada soo dhaweynta madaxwaynaha, isagoo HOL u sheegay in goobihii shirka lagu qaban lahaa ay diyaar u yihiin ayna ugu talagaleen soo dhaweynta madaxda Soomaaliya iyo Jabuuti goobo u qalma.

Wafdiga danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Mareykanka ayaa waxaa ka mid ah, Cabdi Daa’uud oo ka socday xafiiska madaxdooyada Soomaaliya iyo xubno kale oo fara badan.

Dhanka kale, waxaa jira dad iyaguna abaabulaya bannaanbaxyo ka dhan ah madaxwayaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud sida la qiyaasayana uma xoog badna sidii sannadkii 2012-kii bannaanbixii ka dhacay goobtii uu dadka kula hadlayay madaxwaynuhu bannaankeeda.

Siyad Said Salah, Hiiraan Online
[email protected]
Minneapolis, Minnesota