4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 28, 2014
Al-shabaab oo ku baaqday in Yuhuudda lagu weeraro meel caalamka oo dhan


Isniin, July 28, 2014 (HOL) — Xarakada Al-shabaab ee Soomaaliya ayaa ku baaqday in lagu beegsado Yuhuudda meel walba oo ay caalmka ka joogaan, taas oo ay sheegeen inay jawaab u tahay duqeynta Israa’iil ay ku hayso marinka Gaza.

Sheekh Cali Dheere ayaa ka sheegay Axaddii masajid ku yaalla degmada Baraawe oo ah saldhiggooda weyn ee Koonfurta Soomaaliya in looga baahan yahay dadka muslimiinta ah inay meel walba oo ay dunida ka joogaan ku weeraraan Yuhuudda.

“Muslimiintu waa inay meel walba oo caalamka ah ku beegsadaan Yuhuudda, waayo waa koox aan diin lahayn oo dhibaato ku haysa muslimiinta Gaza ku nool,” ayuu yiri afhayeenka Al-shabaab.

Afahyeenka ayaa ku eedeeyay Masar inay ka xirtay xuduuddeeda dadka Falastiin si ay isaga dhiciyaan Yuhuudda. Wuxuuna sidoo kale Mareykanka ku eedeeyay inay ku garab-siinayaan Yuhuudda weerarrada naxariis-darrada ah ee ay muslimiinta Gaza ku hayaan.

Qaramada Midoobay ayuu sidoo kale ku eedeeyay inay difaacayso kuwa aan diinta lahayn ee caalamka ku nool, isagoo xusay inay si indho la’aan ah ku garab-taagan yihiin Yuhuudda, aysanna waxba ka sheegayn dhibaatooyinka ay Gaza ka geysteen.

“Waa inaan isku kaashanno sidii aan u beegsan lahan Yuhuudda dunida ku faafsan, waayo waxay ku sugan yihiin meel walba, waa in la laalaayaan si loogu aar-gudo walaalaha Falastiin, waana in loo duceeyo shacabka Falastiin,” ayuu yiri Sheekh Cali Dheere.

Hadalkiisa ayuu kusoo gab-gabeeyay Sheekh Cali Dheere inay Soomaalidu casharro ka dhigtaan dhibaatooyinka ay Yuhuuddu ay ku hayso shacabka Gaza, ayna gacan ku siiyaan Al-shabaab dagaalka ay kula jirto cadwoga gudaha dalka ku sugan, waa sida uu hadalka u yiriye.

“Qof walba waa inuu ogaado, haddii aadan cadowga kasoo horjeesan, waxaad la kulmi doontaa, waxay la kulmeen walaalaha reer Falastiin ee Gaza duqeymaha culus lagu laynayo,” ayuu hadalkiisa ku daray.

Waa markii ugu horreysay oo ay Al-shabaab si cad ugu dhawaaqo in Yuhuudda lagu ugaarsado meel walba oo ay caalamka ka joogaan, iyadoo tani ay keentay duqeynta ay Yuhuuddu ka wado Gaza, taasoo ay ku dhinteen in ka badan 1,000-qof.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya