4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 27, 2014
Danjire Nicholas Kay oo hadal ka soo saaray Munaasabadda Ciidda Soon-furka


Axad, July 27, 2014 (HOL) — Ergeyga Qaramada Midoobay ee  arrimaha Somalia, danjire Nicholas Kay ayaa ka hadlay maalinta ciidda soon-fur oo berri ku beegan, isagoo salaam kal iyo laab ah u diray dhammaan dadka Soomaaliyeed meel kasta oo ay dunida kaga sugan yihin, kuwaasoo u dalaab-dagaya berri ciidda soon-furka ama ciidul fidriga.

Maalinta Isniinta ah ee berri ayaa waxay ku beegan tahay maalinta ciidda, kaddib 29-casho oo ay soo soomeen muslimiinta caalamka, iyadoo inta badan waddamada islaamka ah looga dhawaaqay in berri ay tahay maalin ciid ah.

“Iyadoo ay Soomaalida iyo dadka kale ee muslimiinta ah u dabaal-dagayaan berri ciidda soon-furka, waxaan dhammaan Soomaalida iyo qoysaskooda u rajeynayaa ciid wanaagsan,” ayuu yiri dajire Kay.

Sidoo kale, erayga ayaa intaas raaciyay: “Berri waa maalin loo dabbaal-degayo dhamaadka soonka bisha barakaysan ee Ramadaan iyo in la xusuusto dadka dan-yarta ah ee aan sidan oo kale u nasiibka badnayn. Waxaan rajeynayaa in dhamaan aan ka shaqeynno dib-u-heshiisiin iyo is-waafaqsanaan nabad iyo wada-noolaasho.”

Ugu dambeyn, ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa shacabka Soomaaliyeed oo dhan u rajeeyay ciid wanaagsan iyo inay ciiddan teeda kale ku gaaraan nabadgalyo iyo barwaaqo.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya