4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 27, 2014
CIID WANAAGSAN: Dowladda Somalia oo iclaamisay in berri ay tahay Maalin ciid ah

Ciid Wanaagsan
Axad, July 27, 2014 (HOL) — Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday caawa in berri oo Isniin ah ay tahay maalin ciid ah, kaddib markii bisha Shawaal laga arkay deegaanno ka tirsan Soomaaliya.

Wasaaradda Arrimaha Diinta iyo Owqaafta xukuumadda Soomaaliya ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday inay berri tahay maalin ciid ah, kaddib markii culummo badan oo Soomaaliyeed ay xaqiijiyeen in bisha Soon-fur laga arkay deegaanno ay ka mid yihiin Puntland iyo Somaliland.

“Ummadda Soomaaliyeed waxaan u sheegaynaa in maalinta berri ah ay tahay ciid, bisha Shawaalna ay kow tahay, waxaana u mahadcelinaynaa culummadii qaybta ka qaadatay in la xaqiijiyo bilashada bisha Shawaal oo caawa kow ku beegan,” ayuu yiri wasiir ku xigeenka wasaaradda Owqaafta iyo Arrimaha Diinta ahna ku simaha wasiirka wasaaraddaas, Yuusuf Xayle Jimcaale.

Sidoo kale, waxaa goobta ka hadlay Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo xubin ka ah culummada Soomaaliyeed ee sida weyn loo yaqaan, isagoo sheegay inay xiriirro kala duwan la sameeyeen culummo Soomaaliyeed oo ku nool dalka gaar ahaan deegaannada Puntland iyo Somaliland, ayna u xaqiijiyeen inay dhankooda tahay berri maalin ciid ah.

“Culummadii aan la xiriirnay waxay inoo sheegeen inay dhankooda xaqiijiyeen inay bisha Shawaal caawa kow tahay, berrina ay ciid u tahay, innagoo taas ka duulayna waxaan xaqiijinaynaa in berri ay tahay maalin ciid ah,” ayuu yiri Sh. Bashiir Axmed Salaad.

Sheekh Bashiir oo sii hadlayay ayaa intaas ku daray in dalalka dariska ah ee Soomaaliya ay ku dhawaaqeen inay maalinta berri tahay maalin ciid ah, iyagana ay kuwaas ku biireen oo ay berri tahay maalin ciid ah.

Dowladaha Carabta iyo kuwa muslimiintu ku nool yihiin ayaa iyaguna ku dhawaaqay inay berri u tahay maalin ciid ah, waxaana ka mid ah, Saudi Arabia, Ciraaq, Qatar, Baxreyn iyo kuwo kale oo fara badan.

Waddanka Somalia ayaa wuxuu ka mid noqoday dalalkaas Islaamka ah ee ku dhawaaqay inay berri u tahay ciid, waxaana ciiddan ay imaanaysaa iyadoo dadka muslimiinta ah ay soo soomeen 29 maalmood oo soon ah.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya