4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 27, 2014
Duqa Magaalada MPLS ee Gobolka Minnesota oo Aqoonsatay Ciidda Islaamka


Axad, July 27, 2014 (HOL) — Duqa Magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota, Betsy Hodges ayaa wareegto ay soo saartay si maamuus leh ugu aqoonsatay mudnaanta iyo qiimaha ay leeyihiin ciidaha Islaamka.

Wareegtada ayaa waxaa lagu hor-akhriyay xubno ka socda jaaliyadda muslimiinta ah ee ku nool Minneapolis oo isugu jiray aqoonyahanno, culumada masaajidada iyo dhallinyaro.

Betsy Hodges waxay sheegtay in jaaliyadda muslimka ah ay u leeyihiin magaalada iyo guud ahaan gobolka; dhaqaale, il-baxnimo dhaqamameed iyo wax-tar dhinac walba ah.

“Waxaan sharaf ii ah inaan idin kugu hambalyeeyo ciidda qiimaha badan ee foodda nagu soo haysa. Waxaana wareegtadan ku maamuusayaa maalintaas sharafta leh oo aan jecelahay inaan idin kala wadaago farxaddeeda,” ayay tiri Hodges.

Inkastoo wareegtadan aysan lahayn awood sharciyeed oo fasaxa ciidda si rasmi u dhaqan-gelin karta, haddana waa tallaabo u gogol xaari karta in gobolka Minnesota oo muslim badan uu ku nool yahay uu maamulkeedu ciidda u aqoonsado maalin fasaxeed oo rasmi u ah dadka muslimiinta ah.

Marwo Betsy Hodges waxay xiriir aad u wanaagsan la leedahay bulshada muslimka ah ee Minnesota ku nool gaar ahaan bulshada Soomaaliyeed. Iyadoo si joogto ah loogu arko suuqyada iyo deegaannada Soomaalidu ku badan tahay. Waana qofkii ugu horreeya ee taariikhda Minnesota xafiis haya oo marka ay la kulmayso dadka Soomaaliyeed xijaab soo xirata.

Sheekh Cabdiraxmaan Shariif oo ah Imaamka masjidka Darul-hijra ayaa arrintan ku tilmaamay talaabo wanaagsan, isagoo ka mid ah guddiga la taliya duqa magaalada Minneapolis, wuxuuna xusay inay tahay arrintan farxad ama guul u soo hoyatay dadka muslimiinta ah, waxaana filaynaa in gobolka oo dhan laga aqoonsan doono.

Gobolka Seattle, Washington ee dalka Mareykanka guddi ka kooban jaaliyadda iyo masjidka Abuubakar Seatlle ayaa sannadkii hore dagaal u galay in fasax buuxa oo la siiyo muslimiinta maalmaha ciidaha oo sannadkii laba mar ah; iyagoo xilliga la arko bisha la fasaxayo; waana gobolka keliya ee oqoonsan ciidaha muslimiintuna dhammaan fasax ka yihiin shaqooyinka.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya