4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 27, 2014
Khataraha Amni ee ka jira Afrika oo hoos u dhigay Maalgashiyo lagu sameysto

Axad, July 27, 2014 (HOL) — Kor u kaca dhaqaale ee Afrika ayaa dhibane u noqday mid kamid ah dhibaatooyinka argagaxiso ee ugu halista badan aduunka, iyadoo taasi ay keentay in magaal-gashiyo lagu samayn lahaa loo wareejiyo meelo kale oo ka baxsan qaaradda.

Hay’ad qiimaysa arimaha argagaxisada oo lagu magacaabo Maplecroft Terrorism and Security Dashboard (MTSD) ayaa sheegtay in 30% ay si xoogan u  kordheen falalka amni xumo ee ka jira wadamada kala ah Egypt, Kenya , iyo waliba Libya.

Arrimaha sida xowliga ah kor-ugu kacay  ayaa kala ah  daganaansha la’aanta arimaha siyaasadda, burcad badeedda iyo taciyadda ka dhanka ah arimaha bini’aadanimada sida lagu sheegay warbixinta ka soo baxday MTSD.

Hay’adda ayaa xustay in dad gaaraya 18,668-ruux siyaabo kala duwan loogu dhibaateeyay wadamo ku yaalla Afrika muddo 12-gudaheed ah, iyadoo tiradan ay ka badan-tahay laba jibaar qiimayn laga sameeyay xasaradaha adduunka shan sano ka hor.

Sidoo kale waxaa lagu sheegay in 9,471 oo weerar lagu diiwan-galiyay muddo gaaban gudaheed, kuwaasoo siyaabo kala duwan looga fuliyay Afrika  iyo meelo kale oo caalamka ah, xilii ay sii kordhayso qatarta hadda jirta.

“Marka ay kororto khatarta amni xumo waxaa hoos u dhacaya faa’iidooyinka shirkadaha iyo waliba shaqaalahooda, waana in arintaas ay wax badan dhiiraan-dhiriyaan “ayaa lagu soo lifaaqay warbixinta ka soo baxday  MTSD.

Wadamada kala ah Ciraaq, Afganistan, Pakistan, Somalia, Nigeria, Yemen, Syria, Lubnan, Colombia iyo Kenya ayaa lagu sheegay in halista ugu badan ay ka jirto xilligan la joogo, isla markaana aan lagu aamini karin maal-gashi cusub .

Ugu danbayntii Nigeria ayaa ah wadanka ugu badan ee laga gaystay weerarada argagaxiso, waxaana ururka Boko Haram ay ka fuliyeen wadankaas weerrro dhan 3,158 oo gaystay khasaaraha dad gaaraya 6,000 oo ruux oo isugu jira dad shacab ah iyo masuuliyiin dowladda ka tirsan.

Faysal Mohamed Hassan
[email protected]