4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 27, 2014
Duqa Magaalada Muqdisho oo ka Bad-baaday Qarax oo lagu Qaarijin lahaa


Axad, July 27, 2014 (HOL) — Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen (Muun-gaab) ayaa ka badbaaday qarax miino oo lagu qaarjin lahaa maqribnimadii caawa, xilli uu ku socday xafiiskiisa Muqdisho.

Laba qof oo shacab ah ayaa ku dhintay laba kalena way ku dhaawacmeen qaraxaas oo ka dhacay xaafadda Siisii sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan maamulka gobolka Banaadir.

“Qaraxa wuxuu haleelay qaybta hore ee gaariga guddoomiyaha gobolka Banaadir uu saarnaa, mana jiro wax khasaare ah oo soo gaaray duqa Muqdisho iyo askartii ilaalada u ahaa ee gaarigiisa saarnaa,” ayuu yiri sarkaal ka tirsan maamulka gobolka Banaadir.

Duqa Muqdisho weli kama uusan hadlin isku-dayga dil ee lagu qaarjin lahaa, iyadoo miidan ay ahayd kuwa meelaha fog-fog laga hago, mana jirto cid loo qabtay inay ka dambeysay qarxinta miinadan.

Xilliga uu qaraxu dhacayay oo ahayd xilligii afurka ee maqribnimadii caawa ayaa ku soo beegmaya iyadoo guddoomiyaha gobolka Banaadir uu maalin ka hor sheegay in lagu soo wareejiyo ciidamada nabadsugidda iyo booliiska gobolka Banaadir si uu uga dhigo Muqdisho meel ammaan ah.

Waa markii ugu horreysay oo qarax lala beegsado guddoomiyaha gobolka tan iyo markii xilka loo magacaabay, waxaana tani ay qayb ka tahay qorshayaasha ay kaga geysnayso Al-shabaab qaraxyada gudaha magaalada Muqdisho.

Ma jiro hadal kasoo baxay maamulka gobolka Banaadir, Muun-gaab oo ku saabsan qaraxa miino ee uu maqribnimadii caawa ka badbaaday, iyadoo guddoomiyuhu uu ku shaqeynayay muddo dhowr bilood ah xafiis uu ka furtay degmada Huriwaa.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya