4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 27, 2014
Hay'adda IIDA oo Muqdisho ku qabtay kulan looga hadlay xuquuqda haweenka


Axad, July 27, 2014 (HOL) — Kulan wadatashi iyo xog is-dhaafsi ah ayaa ku dhexmaray wasiiradda haweenka iyo horumarinta xuquuqul Insaanka dowladda Soomaaliya,  Khadiijo Maxamed Diiriye, xildhibaannada iyo ururrada bulshada rayidka oo lagu gorfeeyay xuquuqda Haweenka, waxaana kulankan soo qaban-qaabiyay hay'adda horumarinta haweenka ee IIDA iyadoo lagu qabtay kulankan hoteelka Naasa Hablood laba ee mgaalada Muqdisho.

Kulankan wada-tashiga ah ayaa sidoo kale looga hadlayay sidii si mideysan oo wadajir ah loogu ololeyn lahaa xuquuqaha haweenka ka maqan, sida ka qaybgalka siyaasadda, dhaqaalaha, waxbarashada,caafimaadka iyo arrimaha bulshada.

“Iyadoo laga duulayo caqabadihii is-hor-taagay xuquuqda haweenka Soomaaliyeed sannadkii 2012-kii Road-Map-kii Kampala Accord iyo kuwii ka horreeyayba inay u ahaayeen sabab inaysan haysan haweenka wax qoraal ah oo ay ku dacwoodaan oo ay ku dagaal geli karaan oo ugu qoran dastuurka, ololaha haweenka wuxuuna ku xaddidnaa waxaan qoraal lahayn oo sharci ahayn,” ayaa laga sheegay kualnkii looga hadlayay xuquuqda haweenka.

Waxaa sidoo kale laga yiri kulanka: “Haddaba iyadoo taas laga ambaqaadayo wadatashigan waa mid salka ku haya sidee dastuurka loogu dari karaa qoraal cad oo qeexaya xuquuqda haweenka ay ku leeyihiin masiirka ummadda Soomaaliyeed, si taas loo helo waxaa la isku af-gartay in si wadajir loogu qareemo iyadoo ay iska kaashan doonaan wasiiradda haweenka iyo horumarinta xuquuqda aadanah ee xukkuumadda Somoaaliya, gabdhaha xildhibaannada ee ku jira baarlamaanka iyo ragga jecel horumarka haweenka Soomaaliyeed ee xildhibaannada ah iyo ururrada bulshada rayidka ah ee Soomaaliyeed.”

Kulankan ayaa noqonaya kii labaad oo muddo toddobaad gudihiis ah lagu qabto magaalada Muqdisho, kaasoo looga hadlayo xuquuqda haweenka iyo sidii loogu dari lahaa dastuurka dalka.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya