4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 27, 2014
Ciidanka Dowladda iyo AMISOM oo sameeyay Howlgal lagu qabtay dad iyo hub

Axad, July 27, 2014 (HOL) — Howlgallo saaka ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ka sameeyeen xaafado ku teedsan isgooyska Banaadir, waxay kusoo qabteen dad iyo hub yaallay xaafadaha ay baaritaanka ku sameeyeen.

Gaadiidka gaashaaman ee ciidamada ayaa ka qaybgalay howlgalkan iyadoo si aad ah loo adkeeyay xaafadaha ay howlgalladu ka socdeen, iyagoo hub ka helay sida ay wararku sheegayaan garaashkii marxuum Cismaan Xasan Cali oo xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ka mid ahaa.

Wararka ayaa intaa ku daraya in ciidamada Somalia iyo kuwa AMISOM ay gacanta ku dhigeen rag ku sugnaa garaashka; kuwaasoo tiradooda aan wali si rasmo ah loo shaacin.

Afhayeenka booliska Soomaaliya, Col. Qaasim Axmed Roobl oo Warbaahinta la hadlay howlgalka kaddib ayaa sheegay in ciidamada ay ahaayeen kuwa isku-dhaf ah; isla markaana howlgalkoodu uu ahaa mid qorsheysan sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale, afhayeenku wuxuu hadalkiisa ku daray in howlgalka lagu qaatay ama lagu soo qab-qabtay hub uu si sharci darro ku haystay hoggaamiye kooxeeed caan ahaa oo geeriyooday.

Col. Qaasim Axmed ayaa ugu dambeyn shaaca ka qaaday in ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay sii wadi doonaan howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab iyo hubka sharci-darrada ah ee lagu haysto magaalada.

Howlgalladan ayaa waxay ahaayeen kuwo saaka waaberigii hore billowday, iyadoo intii ay socdeen gaadiidka loo diiday inay maraan jidadka ku dhow xaafadaha ay ka socdaan howlgallada.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya