4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 27, 2014
Dowladda Uganda oo beenisay in la Musuq-maasuqo Mushaarka ciidamadeeda

Axad, July 27, 2014 (HOL) — Dowladda Uganda ayaa gaashaanka u daruurtay warar ay maalmihii lasoo dhaafay baahiyeen warbaahinta dalkaasi, kuwaasoo ku saabsan in ciidanka Uganda ee qaybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM qaaarkood dib loosoo celiyo iyagoo aan dhameysan waqtigii howlgalkooda loogu talo-galay, isla markaanna la musuq-maasuqo musharaadkooda.

Afhayeenka ciidamada Uganda, Col. Paddy Ankunda ayaa sheegay in eedaymahaas ay yihiin kuwa ee been abuur ah lana doonayo in lagu sumcad xumeeyo magaca ciidamada Uganda ee ka qayb-qaadanaya howlgalka AMISOM ee Soomaaliya.

Col. Ankunda ayaa xusay in wararka sheegaya in 40 ka mid ah ciidamada Uganda ee ku sugan Soomaaliya dib loogu soo celiyay dalka Uganda mushaarkoodiina la lunsaday, isagoo warkaas ku sheegay mid been-abuur ah oo aanay waxba ka jirin.

“Dhowr jeer ayaa cidiamada Uganda eek a howlgala Soomaaliya waxaa loosoo jeediyay eedeymo la xiriira musuqmaasuq; iyadoo ay xusid mudan tahay in muddo saddex bilood ka hor ah ay soo baxday warar sheegaya in ciidamada Uganda ay xerada tababarada Jaziira ay tababar ku siyeen 10 xubnood oo Al-shabaab ah, gabi ahaan waa been,” ayuu yiri Col. Ankunda.

Ugu dambeyn, Col. Ankunda wuxuu sheegay in askar ka tirsan ciidankooda Somalia ka howlgala lagu eedeeyay inay si suuq-madow ah ku iibsadeen shidaal iyo rasaas ay lahayd AMISOM, balse ay maxkamad horkeeneen ciidamadaas iyagoo jawaab ka bixinaya falalka ay ku dhaqaaqeen.

Ciidanka Uganda ayaa waxay ka qayb yihiin howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM, waana ciidamadii ugu horreeyay ee Soomaaliya la keeno, inkastoo dhowr jeer loo jeediyay eedeymo dhinaca musuqmaasuqa ah.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya