4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 27, 2014
Duqa Muqdisho oo kulan gaar ah la Qaatay Ururrada Haweenka Soomaaliyeed

Axad, July 27, 2014 (HOL) — Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen (Muun-gaab) ayaa kulan la yeeshay haweenka gobolka Banaadir, isagoo kala hadlay ammaanka magaalada Muqdisho iyo kaalinta looga baahan yahay inay ka qabtaan.

Muun-gaab ayaa haweenka gobolka uga mahadceliyay kaalintii ay bulshada kaga jireen mudaddii uu dalku burburka ku jiray, isagoo xusay in haweenka ay ahaayeen kuwii ay qoysaska Soomaaliyeed ku tiirsanaayeen muddada labaatan ka sano ka badan ee dalku burbursanaa.

Guddoomiye ku-xigeenka haweenka Qaranka Soomaaliyeed, Canab Xasan Cilmi ayaa ka mahad-celisay martiqaad uu duqa Muqdisho xalay u sameeyay, iyadoo xustay inuu yahay mas’uulkii ugu horreeyay maamuka gobolka oo kulan aan loo dhaxeynin la qaatay haweenka Soomaaliyeed, kuna dhageystay baahida haweenku ay qabaan.

Sidoo kale, Jawaahir Baarqab guddoomiyaha ururka haweenka gobolka Banaadir ayaa hadal ay kulanka ka jeedisay ku sheegtay inay raggu qaateen kaalintoodii oo ay qaybo ka mid ah dalka kaga saareen Al-shabaab,  inta hartay looga fadhiyo inay wax ka qabtaan haweenka Soomaaliyeed.

“Al-shabaab way jabtay… awoodoodiina waa la wiiqa inta ka hartayna waxaan kuu sheegayaa guddoomiye inay ku filan yihiin dumarka iyo carruurta,” ayay Jawaahir Baarqab ku sheegtay hadalka ay jeedisay.

Xildhibaan Cumar Furdug oo isna kulanka ka hadlay ayaa sheegay in haweenku ay kaalin mug leh ku leeyihiin bulshada dhexdeeda, isagoo ugu baaqay in ilmahooda iyo raggooda ay u sheegaan in waxaan dowladnimo ahayn aan waxba lagu gaari karin.

“Waxa dabka lagu shidayo waa dhallinyaro… hooyo ayaana dhashay; marka waa in aad wax badan u sheegtaan raggiinna iyo carruurtiinna, si ay dhibaatada dalka ka jirta u yaraato,” ayuu hadalkiisa ku daray xildhibaan Cumar Furdug.

Ugu dambeyn, guddoomiyaha gobolka Banaadir oo kulanka ka hadlay ayaa ugu baaqay haweenka Soomaaliyeed inay kaalin ka qaataan nabadeynta magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

“Gabdhaha Soomaaliyeed waxaa ku jira aqoon-yahanno iyo siyaasiyiin, waana kuwa kaliya ee ka samata-bixin kara dalka xaaladda uu ku jiro; waana ku mahadsan tihiin sidii aad ugu taagan tihiin inuu dalkiinnu horumar garao,” ayuu yiri Muun-gaab.

Kulankan oo fiidnimadii xalay dhacay ayaa wuxuu ahaa kii ugu horreeyay oo si toos ah u dhexmara guddoonka maamulka gobolka Banaadir iyo ururrada haweenka Soomaaliyeed, iyadoo maamulku uu ku sheegay kulankan uu qayb ka yahay mid lagula tashanayo qaybaha bulshada gobolka Banaadir.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya