4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 27, 2014
Xaafadda Islii (Eastleigh) iyo Sida Ciidda loogu Diyaar-garoobayo (SAWIRRO)

Axad, July 27, 2014 (HOL) - Xaafada Eastleigh ee Soomaalida badan ay ka dagan yihiin magaalada Nairobi, ayaa waxaa laga dareemayaa diyaar garoowga loogu jiro Munaasabada ciida ayadoo sanadkaan dadka Soomaaliyeed ay ka yar yihiin sidii ay ahayeen sanadihii la soo dhaafay.

Goobaha lagu ganacsado ay oo ay ka mid yihiin suuqyada waa weyn ee ku yaallo gudaha xaafada, ayaa waxaa qaarkood ay yihiin kuwa aynan ku badneyd dadka wax gadanaayo, xili lagu jiro maalminii ugu mashquulka badnaa ee loo diyaar garoobayo Ciida halka dukaamo qaar ay dad ka adeeganayeen.

Ganacsato aan kula kulmay Suuqyo kala duwan, ayaa waxey si isku mid ah igu sheegeen in dadka adeeganaayo ay ka tiro yar yihiin sidii ay ahaayeen Ciidihii la soo dhaafay.

Yuusuf Cali Yuusuf, waa Maamulaha Dukaan lagu magacaabo Masha Allah oo ku yaallo qeybta hoose ee suuqa Garissa Lodge, wuxuuna HOL u sheegay, in farqi weyn uu u dhaxeyo Ciidaan iyo Ciidihii hore sida ganacsigu uu yahay, asagoona intaas ku daray in suuq la’aan ay jirto sidoo kalana shaqadu ay tahay mid aanan badneyn dadka u yimaadana ay yar yihiin.

Suuq la’aan jirta ayuu sheegay iney ka danbeysay howl-galo xaafada ka dhacay bilihii la soo dhaafay oo lagu qab-qabtay dad tiro badan, kuwaasoo qaarkood dib loogu celiyay Somalia, halka kuwa kalana la geeyay xerooyinka Qaxootiga Kakuma iyo Dhadhaab.

Bille Maxamuud Cali, waa iibiye Dukaan dharka lagu gado oo ku yaallo qeybta labaad ee suuqa Amal oo kamid ah Suuqadda ugu mashquulka badan xaafada Eastleigh, wuxuu ku sugnaa dukaanka uu gado oo ay ku dhex sheekeysaneen saaxiibkiis oo uu sheegay inuu weheshanaayo madaama ay yaraayeen dadka wax ka gadanaayay.

Inkastoo ay aheyd xili galab ah markii aan la kulmay, hadana wuxuu ii sheegay in illaa subixii hore ee shalay uu wax ka gaday labo qof oo kaliya.

Markaad dhex joogtid goobaha ganacsiga ee xaafada Eastleigh gaar ahaan wadada kowaad (Eastleigh first Avenue) waxey indhahaaggu qabanayaan dadweyne tiro badan kuwaasoo ku mashquulsan iibsashada waxyabaha ay u baahan yihiin oo u badan Dhar iyo Kabo.

Maxamed Dagaal Siyaad, waa Milkiilaha dukaan lagu gado dharka caruurta oo ku yaallo suuqa ganacsiga AMCO gaar ahaan qeybta wadada saaran, wuxuu ku mashquulsanaa u adeegida dad wax ka gadanaayay, wuxuuna sheegay in suuqu uu wanaagsan yahay sidoo kalana uunan jirin hoos u dhac weyn.

Waalidiin wato caruur da’yar ayaa kamid ah dadka ka adeeganaya suuqyada Islii xili la dareemaayo ciriiriga ay sababeen ganacsato banaanada hore ee dukaamada waa weyn soo dhigtay miisas ay ku gadaan qeybaha kala duwan ee dharka iyo Kabaha.

Hong Kong Mall, wuxuu kamid yahay dhismayaasha Ganacsiga ee lagu gado dharka Dumarka.   Maryan Axmed oo ku sugneyd dukaan lagu iibiyo cabaayadaha dumarka, ayaa ku tilmaamtay ganacsiga hada Eastleigh ka jiro unuu yahay mid aanan u wanaagsaneyd sidii uu ahaa sanad ka hor.

Inta badan dadka ku dhaqan magaalada Nairobi, ayaa maalmaha Ciidada waxey Ragu xirtaan Qamiisyo, Koofiyaha Sunnada iyo Kabaha furan halka Dumarkuna ay xirtaan Xijaabo iyo Cabaayado ama Buy-buuy.

Maxamed Cali wuxuu leeyahay Dukaan lagu talo’ sidoo kalana lagu iibiyo Qamiisyada. wuxuu Feereynaayay dhowr qamiis oo horay uu u sii tolay, xili uu ka jawaabayay isbadalka Ganacsiga Islii, ayuu sheegay in sanadkii hore xiligaan oo kale ay aad u badnayeen dadka ay Qamiisyada u tolaayeen. Xiliyada habeenkiina ay soo jeedi jireen si ay u kala fududeeyaan howshooda laakin hada aynan sidaas aheyn.

Qiimaha horay loo gadi jiray Qamiiska ayaa ahaa 2,500 KSh halka hada uu yahay 3,000 ayadoo 500 (Shan Boqol oo kaliya lagu daray qiimihii hore). Waxey noo sheegeen tiro dukaamo ah oo aan la kulanay in ciidii hore ay gadi jireen maalintii ku dhawaad 150 (Boqol iyo Konton) Qamiis, balse ay hada gadaan afartan illaa konton Qamiis oo kaliya.

Guddoomiye ku xigeenkii hore ee Eastleigh Business Community Xuseen Maxamed Aar, oo aan kula kulmay aga-gaarka suuqa weyn ee Garissa Lodge, ayaa xaqiijiyay in hoos u dhac weyn laga dareemay Ganacsiga xaafada Islii.

“Qaar kamid ah dadkii ku ganacsan jiray Eastleigh waxey u wareejiyeen dhaqaalahoodi wadamada Kenya dariska la ah, sidoo kale waxaa yaraaday dad gacansi ahaan oga imaan jiray Kenya wado kale oo ay kamid yihiin Yugaandha iyo Tanzania” ayuu yiri Hussein Aar.

Howl-galo saddex billood qaatay oo ciidamada Kenya ay ka sameyeen xaafada islii oo lagu qab-qabtay dad badan oo Soomaali ah, ayaa sababay in Soomaali badan ay carareen Nairobi oo ay aadeen dalalka dariska la ah Kenya oo Somalia ay kamid tahay, ayadoo taasna ay saameyn ku yeelatay howlihii Ganacsiga ee xaafada Islii.

Najah Mohamed Ali, Hiiraan Online
[email protected] | [email protected]
Nairobi – Kenya