4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 27, 2014
Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka degmada Kaxda oo xalay xabsiga la dhigay

Axad, July 27, 2014 (HOL) — Ciidamada nabad-sugidda Qaranka Soomaaliya ayaa xalay xabsiga dhigay guddoomiye ku-xigeenkii ammaanka ee degmada Kaxda oo ka mid ah 17-ka degmo ee gobolka banaadir, C/naasir Xasan Cali iyo taliyihii nabad-sugidda degmadaas Muuse Gaab.

Wararka ayaa sheegaya in sababta loo xiray labada mas’uul ay tahay kaddib markii uu dhexmaray dagaal ilaaladooda, kaddib muran soo dhexgalay, iyadoo uu bixiyay amarka lagu soo xiray guddoomiyaha gobolka Banaadir.

Sidoo kale, waxay ciidamada nabad-sugidda xireen guddoomiye ku-xigeenka dhanka siyaasada ee degmadaas, C/raxmaan, kaasoo isna lagu eedeeyay in uu qayb ka ahaa colaadda u dhexmaray labadan mas’uul.

Dagaalka dhexmaray ilaalada labada mas’uul ayaa waxaa ku dhintay saddex ka mid ah labada dhinac; iyadoo ay ku dhaawacmeen intaas ka badan, balse lama sheegin khasaare dagaalkaas kasoo gaaray dadka shacabka ah.

Maamulka gobolka Banaadir ayaan weli ka hadlin xariga labadan mas’uul ee ka tirsan degmada Kaxda oo dhawaan ka mid noqotay degmooyinka gobolka Banaadir, waxaana tani ay kusoo beegmaysaa iyadoo maamulku uu dadaal ugu jiro wax ka qabashada ammaanka Muqdisho.

Waa mas’uuliyiintii ugu horreysay oo ka tirsan maamulka gobolka Banaadir oo uu gacan ka hadal dhexmaro, iyadoo aan la ogeyn inta casho ay xirnaan doonaan labadan mas’uul iyo go’aanka uu maamulku ka qaadan doono.

Xaaladda degmada Kaxda oo dhinaca Koonfur-galbeed ee Muqdisho ku taalla ayaa saaka daggan sida ay soo sheegayaan dadka deegaanka, iyadoo labadii ciidan ee dagaalamayna aysan ku sugnayn degmadaas.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya