4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 26, 2014
Golaha wasiirada oo meel-mariyay dib u habeyn lagu sameynayo safaaradaha


Sabti, July 26, 2014 (HOL) — Shir aan caadi ahayn oo ay maanta Muqdisho ku yeesheen golaha wasiirrada xukuumadda Soomaaliyaayaa looga hadlay dib u habbeynta safaaradaha Soomaaliya ay ku leedahay caalamka.

Golaha wasiirrada ayaa dood-dheer ka yeeshay muhiimadda ay leedahay in dib u habbeyn lagu sameeyo safaararadaha caalamka ay ku leedahay kaddib markii ay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya soo hor-dhigtay golaha wasiirrada, si loo dadajiyo arrintan isla markaana loosoo celiyo muuqaalkii ay safaaradaha Soomaaliya ku lahaayeen dibadda.

Wasiirka arrimaha dibadda xukuumadda Somalia, C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa kulanka kaddib warbaahinta u sheegay in golaha wasiirrada ay si weyn u soo dhaweeyeen una ogolaadeen in safaaradaha Somalia ee dibadda  lagu soo kobo tiradooda 31 safaaradood, dublamaasiyiinta ka howlgalana iyagana lagu soo koobo min seddex xubnood, iyagoo noqonayan 93-xubnood.

“Arrintan waa mid lagu tayeynayo safaaradaha Soomaaliya, waa qorshe ay wasaaradda arrimaha dibaddu muddooyinkan ka shaqeyneysay, Waxayna tani soo celinaysaa muuqaalkii safaaradaha xiriirka dhabta ah ee caalamka iyo midda dublamaasiyadeed ee adduunka aan la leenahay,” ayuu Bayle u sheegay war-fidiyeenka.

Sidoo kale, wasiirka ayaa u mahadcelinayay golaha wasiirrada oo uu xusay inay qaateen tallaabbo geesinimo leh oo ay ku oggollaadeen in safaaradaha dalka dib u habeyn lagu sameeyo. Wuxuuna xusay in sida ugu dhaqsyaha badan loo arki doona is-beddel dhanka safaaradaha ah.

Ugu dambeyn, wasiirku wuxuu sheegay in ujeeddada wasaaradda arrimaha dibadda Somalia ay qorshahan u soo jeediyay ay qayb ka tahay dadaallada lagu doonayo in Soomaaliya ay mar kale dib ugu laabato karaamadii ay ku lahayd caalamka intiisa kale.

Tallaabadan ayaa imaanaysa iyadoo toddobaadkii hore la ansixiyay sharciga maamullidda baasaboorka dublamaasiga ee dowladda Soomaaliya ay bixiso, kaasoo ay soo gudbisay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya