4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 26, 2014
Mid ka mid ah Wax-garadkii Maamulka Khaatumo oo Maanta Gaaray Garoowe


Sabti, July 26, 2014 (HOL) — Garaad Saleebaan Garaad Maxamed oo ka mid ah xubnihii wax ka aasaasay maamulka Khaatumo State ayaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Garoowe ee xarunta Puntland, kaddib markii uu in muddo ah ka maqnaa.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland, C/xakiin C/llaahi Xaaji Cumar (Cameey), xillibaanno, wasiirro, waxgarad iyo qaybaha bulshada ayaa garaadka kusoo dhaweeyay duleedka waqooyi ee magaalada Garoowe.

Wafdiga garaadka ayaa waxay kulammo la yeesheen, madaxweynaha Puntland, C/weli Maxamed Cali Gaas, waxayna kulankooda kaga hadleen sidii loo xoojin lahaa maamulka Puntland oo uu horay uga tirsanaa.

Socdaalka Garowe ku tagay Garaad Saleebaan ayaa imaanaya isagoo in ka badan laba sano ka maqnaa Puntland, wuxuuna muddadaas qayb weyn ka qaadanayay dhismihii maamulka khaatumo.

Garaadka ayaa wariyeyaasha u sheegay kulanka kaddib in maamulkii uu wax ka dhisay ee Khaatumo uu yahay mid aan jirin oo guul-darreystay, isagoo ku baaqay in laga qaybqaato horumarka Puntland ka socda.

Imaanshaha garaadkan ayaa wuxuu kusoo beegmayaa iyadoo C/weli Gaas uu horay u ballan-qaaday inuu gogol nabadeed u dhigayo beelaha Puntland, isagoo maantana ku celiyay inuu diyaar u yahay inuu dhigo gogoshii nabadeed ee uu horay u ballaanqaaday inuu dhigayo.

Dhanka kale, waxgaradka maamulka Khaatumo oo ka hadlay safarka uu ku tagay Garaad Saleebaan Garaad Maxamed magaalada Garoowe uu yahay mid aysan iyagu ka warhayn, iyagoo gaashaanka ku dhuftay hadalkii uu ku sheegay in maamulka Khaatumo uu burburay.

Mas’uuliyiinta maamulka Khaatumo ayaa ku sugan deegaanka Saax-dheer oo 70-km dhinaca Koonfur-bari kaga beegan magaalada Laas-caanood ee gobolka Sool, kaddib markii ay ka carareen magaalada Taleex oo ay si lama filaan ah ula wareegeen xilli uu halkaas shir uga socday.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya