4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 26, 2014
Booliiska Kenya oo ku eedeeyay Al-shabaab inay soo Tababarto Dambiilayaal

Sabti, July 26, 2014 (HOL) — Booliiska Kenya ayaa Xarakada Al-shabaab ee Soomaaliya ku eedeeyay inay tababarro siiso kooxo dambiilayaal ah oo falalka ammaan-darro kawada magaalada Mombasa ee dalka Kenya.

“Waxaan loollan adag kula jirnaa kooxo dambiilayaal ah oo ay tababarro soo siisay Al-shabaab Soomaaliya, kuwaasoo soo laabtay si ay dhibaatooyin uga geystaan dalka,” ayuu yiri taliyaha booliiska Mombasa, Robert Kitur, isagoo intaas ku daray. “Waxaan shacabka ka doonaynaa inay macluumaadka nala soo socodsiiyaan si aan uga qabanno kooxahaas.”

Magaalada Mombasa oo ku taalla xeebta dalka Kenya ayaa bilihii aynu kasoo gudubnay ka dhacayay weerarro qorsheysan, kuwaasoo ay ku jiraan weerar bishan 21-keedii lagu qaaday deegaanka Likoni oo 6-km Koonfurta ka xiga Momabsa, halkaasoo lagu dilay saddex qof oo shacab ah 12 kalena dhaawac loogu geystay.

Sidoo kale, Mombasa waxaa bishan lagu dilay laba haween ah oo u kala dhashay dalalka Ruushka iyo Jarmalka, kuwaasoo ahaa dalxiisayaal, waxaana dilalkood fuliyay kooxo ku hubeysnaa bastoolado oo baxsaday, sida ay sheegeen saraakiisha booliiska magaaladaas.

Robert Kitur ayaa xusay in la helay qori looga shakisan yahay inuu ahaa kii ay kooxaha hubeysan ku weerareen deegaanka Likoni, wuxuuna sheegay in kooxaha weerarkaas geystay ay horay weerarro uga geysteen Mombasa.

“Tani waxay muujinaysaa in booliisku uusan fadhin, waxaana naga go’an inaan soo qab-qabanno dambiilayaasha oo dhan,” ayuu Robert Kitur wariyeyaasha ugu sheegay maanta oo Sabti ah magaalada ku taalla xeebta dalka Kenya.

Xarakada Al-shabaab oo muddo toddoba sano ah dagaal kula jirta dowladda Soomaaliya ayaa waxay dhawaan weerarro is-daba-joog ah ka fulisay goobo ka mid ah deegaannada xeebaha dalka Kenya ku yaalla, iyadoo ku dishay in ka badan 94-qof oo shacab iyo ciidammo isugu jiray.

Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta ayaa dhankiisa sheegay in weerarkii ka dhacay Mpeketoni aysan lug ku lahayn Al-shabaab, balse uu ahaa mid ay soo abaabuleen kooxo uu ugu yeeray shabakado siyaasadeed oo Keenyaati ah.

Guddoomiyaha magaalada Mombasa, Nelson Marwa ayaa sheegay inay ka qaybliyeen magaalada warqado cabsi-gelin ah kooxo looga shakisan yahay inay xiriir la leeyihiin xisbiga mucaaradka ah ee ODM oo uu hoggaaminayo ra’iisul wasaarihii hore ee Kenya Raila Odiga.

“Waa qorshe lagu doonayo in shacabka laga isaga horkeeno, laguna abuuro rabshado,” ayuu hadalkiisa ku daray Marwa oo mar kale yiri. “Waxaan ugu baaqayaa dhallinyaradaas inay ka fogaadaan in dalka ay dhibaatooyin lugta u geliyaan iyagoo qaadanaya lacago yar.”

Dalka Kenya ayaa waxaa ka jirtay deggenaasho la’aan dhinaca ammaanka ah tan iyo markii ay kumannaan askartood oo qayb k ah AMISOM Somaila u soo direen, si ay ula dagaalamaan Al-shabaab.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya