4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 26, 2014
Radio Jowhar oo loo ogolaaday inuu si KMG ah dib ugu bilaabo howlihiisii shaqo

Sabti, July 26, 2014 (HOL) — Maamulka gobolka Shabeellada Dhexe ayaa u ogolaaday Radio Jowhar inay dib howlaheeda ugu billowdo si KMG ah, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ay soo saartay NUSOJ.

Ururka Qaran Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee NUSOJ ayaa si taxadar uu ku jiro u soo dhaweeyay go’aanka uu maamulka gobolka Shabeellada dhexe ugu ogolaaday Radio Jowhar inay dib ugu howlgasho si KMG ah, kaddib 24 saac oo ay hawada ka maqnayd.

Kulan ay manta qaateen mas’uuliyiinta idaacadda iyo maamulka gobolka ayaa la iskula ogolaaday in idaacadda ay si KMG ah ugu sii howlgasho, ayna banneyso marka loo baahdo, iyadoo Radio Jowhar ay ogolaatay inay raalli-gelin ka bixiso gefaf la sheegay in idaacadda ay ka baxeen, iyagoo ballan-qaaday inay xoojn doonaan wada-shaqeynta maamulka kala dhexeysa.

“Waxaan soo dhaweynaynaa go’aanka uu ugu ogolaaday guddoomiyaha gobolka Shabeellada Dhexe, Cabdi Jiinoow Calasoow in idaacaddu ay dib ugu howl-gasho,” ayuu warsaxaafadeedka ku yiri xoghayaha guud ee NUSOJ, Maxamed Ibrahim Bakistaan.

Maamulka gobolka Shabeellada dhexe ayaa amar ku bixiyay maalin ka hor in idaacadda Jowhar ay ka baxdo xarunta ay ku shaqeyso oo ay deggenayd 12-sano oo xiriir ah, iyadoo guddoomiyuhu uu sheegay in xaruntu ay tahay mid dowladeed loona baahan yahay.

Balse maamulka idaacadda ayaa hadalkaas ku tilmaamay mid lagu doonayo in lagu caburiyo xarunta saxaafadda xorta ah, waxaana maalintii shalay gabi ahaan idaacadda la wareegay ciidammo booliis ah oo ka tirsan maamulka, inkastoo ay maanta dib uga baxeen.

Radio Jowhar, waa idaacada keli ah ee ka howlgasha magaalada Jowhar, iyadoo shaqadeeda ay muhiim u tahay bulshada reer Jowhar oo kala socda wararka gudaha iyo kuwa dibadda.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya