4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 26, 2014
Colaaddii Shabeellada hoose oo dib uga qarxay deegaano ka tirsan Gobolkaas

Sabti, July 26, 2014 (HOL) — Colaadihii gobolka Shabeellada Hoose ayaa dib uga soo cusboonaaday deeganno ka tirsn gobolkaas, iyadoo maanta uu ka dhacay dagaal deegaanka Lambar 50 ee gobolkaas oo ka mid ahaa goobihii ay ku hardameen malleeshiyooyinka ku dagaalamaya qaybo ka mid ah gobolkaas.

Wararka ayaa sheegaya in ugu yaraan lix qof ay ku geeriyoodeen dagaalkan oo dhammaantood ahaa maleeshiyooyinkii uu dagaalku u dhexeeyay, iyadoo ay tiro intaas ka badanna ku dhaawacmeen.

Guddoomiyaha gobolka Shabeelaha Hoose, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Siiddii) ayaa xaqiijiyay in dagaalladan ay u dhaxeeyay dhinacyadii xur-guftu u dhaxeysay ee bilihii lasoo dhaafay ku dagaalamay gobolkaas.

“Dagaalka waxaa ku dhintay lix qof, waxaanu u dhaxeeyaa labadii dhinac ee colaaddu horay u dhexmartay bilihii lasoo dhaafay,” ayuu yiri C/qaadir Siidii oo VOA-da u warramayay.

Siiddii ayaa sheegay in mar kasta la filan karay in dagaalladan ay dib uga soo cusboonaadaan gobolka, maadaama labada dhinac dagaalo ay horay u dhexmareen ayna is-horfadhiyeen tan iyo xilligaas, isagoo ku baaqay in la joojiyo colaadda dib u soo cusboonaatay oo keeni karta dhibaato hor leh.

Dowladda Somalia ayaa horay guddi wasiirro ah ugu saartay sidii xal looga gaari lahaa colaadahaas, balse way ku guuleysan waayeen inay waaga ka gaaraan joojinta colaaddaas, inkastoo ay horay u dhexdhigeen labada dhinac xabbad-joojin, taasoo maanta burburtay.

Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa waxaa horay uga dhacay dagaalo ay ku naf-waayeen dad badan, kuwo kalena ay dhaawacyo kala duwan kasoo kala gaareen.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya