4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 26, 2014
Madxweyne Xasan oo aqbalay Magacaabidda Xeer Ilaaliyaha guud ee Qaranka

Sabti, July 26, 2014 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ogolaaday magacaabistii xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka iyo xil ka qaadistii xee ilaaliyihii hore ee Qaranka.

Wareegto kasoo baxay xafiiska madaxweynaha ayaa si rasmi ah waxaa loogu shaaciyay in xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka loo magacaabay Avv. Axmed Cali Daahir.

“Madaxweynaha Soomaaliya markii uu arkay qodobka 87-aad faqraddiisa C, qodobka sagaalaad faqraddiisa K iyo qodobka 99-aad faqraddiisa ee dastuurka dalka, wuxuu ogolaaday in xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka uu noqdo Avv. Axmed Cali Daarhi,” ayaa lagu yiri wareegtada madaxtoyaha.

Sidoo kale, wareegtada ayaa lagu sheegay in markii madaxweynuhu uu arkay soo jeedinta ra’iisul wasaaraha Somalia, markuu tixgeliyay go’aankii golaha wasiirrada, kuna saabsan ansixinta magcaabista xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka iyo xilka qaadista xeer ilaaliyihii hore ee uu golahu cod buuxa ku ansixiyey, madaxweynuhu wuxuu soo saaray xeerkan.

1. Laga billaabbo maanta oo ay Tr tahay 26-07-214, waxaa xilka laga qaaday xeer illaaliyihii guud ee hore, Cabdulqaadir Maxamed Muuse, waxaanu ansixiyay madaxweynuhu magcaabista Avv. Axmed Cali Daahir oo noqonaya xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka.

2. Waxaa xeerka uu dhaqan-galayaa markuu madaxweynaha saxiixo, waxaa lagu soo daabici doona faafinta rasmiga dowladda.

Taariikh nololeedka Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka:

Avv. Axmed Cali Daahir wuxuu ku dhashay degmada Doloow, sannadkii 1965-kii

Wuxuu dugsiga sare ka baxay 15-kii May 1983-kii

Wuxuu cilmiga sharciga ka bartay jaamacaddii Ummadda Somaaliyeed intii u dhexeysay 1984-kii illaa 1988-kii. Isagoo cilmi-kororsi dheeraad ah sameeyay.

1989-kii illaa 1990-kii wuxuu ahaa ku xigeenka xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka.

1996-kii wuxuu noqday ku xigeenka maxkamadda sare ee killilka Shanaad ee Soomaalida Itoobiya.

1997-1999, wuxuu noqday guddoomiyaha maxkamadda sare ee deegaanka Soomalida dalka Itoobiya.

2003-2005 wuxuu noqday guddoomiyaha jaaliyadda Soomaaliyeed gobolka Seattle ee dalka Mareykanka.

2006-2008 wuxuu noqday madaxa ururka Soomaalida gobolka Arizona ee dalka Mareykanka.

2008-2011 wuxuu noqday madaxa hay’adda Xarunta Islaamiga ah ee Al-Raxma ee gobolka Phoenix ee dalka Mareykanka.

2011-kii wuxuu ahaa madaxa sharciga iyo xallinta ee guddiga Imaamyada Soomaaliyeed ee dalka.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya