4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 26, 2014
Ra’iisul Wasaaraha oo sheegay in Imaaraadku kasoo Jawaabeen Codsigoodii


Sabti, July 26, 2014 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa maanta ka guddoomay dowladda Imaaraadka Carabta deeq raashin ah oo loogu talo-galay in lagu caawiyo dadka Soomaaliyeed ee ay sameeyeen abaaraha iyo cunto-yarida ka jirta qaybo ka mid ah gobollada dalka.

Raashinka deeqda ah ee saaran 40 baabuurta xamuulka ah ayaa isugu jira: bur, bariis, saliid, sonkor iyo cuntooyin kale, waxaana la filayaa in raashinkani la guddoonsiiyo dadka Soomaaliyeed ee ku tabaaleysan qaar ka mid ah gobollada Koonfureed ee Soomaaliya.

Wasiirka beeraha, Cabdi Axmed Baafo oo ugu horreyn ka hadlay munaasabaddii ay dowladdu kula wareegaysay deeqda raashinka ah ayaa u mahad-celiyay dowladda Imaaraadka Carabta, wuxuuna sheegay in deeqdan ay ka timid Imaaraadka; isla markaana qayb-qayb loo gaarsiin doono deegaannada ugu daran ee cunto- yaridu ka jirto.

Sidoo kale, wakiilka dowladda Imaaraadka u qaabilsan mashaariicda Soomaaliya, Siciid Cabdalla ayaa dhankiisa sheegay in deeqdani ay qayb ka tahay taageerada joogtada ah ee ay siiyaan shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed, isagoo intaa ku daray in Soomaaliya ay ka caawiyaan dhinacyada waxbarashada, caafmaadka, dib-u-dhiska dalka iyo waxyaabo kale oo muhiim ah.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed oo gunaanadkii munaasabadda ka hadlay ayaa uga mahad-celiyay dowladda Imaaraadka gurmadka ay u fidisay shacabka Soomaaliyeed xilli qaybo ka mid ah dalka ay ka jiraan abaaro iyo cunto-yari saameyn ku yeelatay shacab badan, wuxuuna sheegay in xiriirka u dhexeeya labada dowladood uu ah mid ballaaran ay keentay in kaalmo dhinac walba ay bixiso, isla markaana ay ka rajeynayaan inay intaan kasii xoogeysan doonto taageerada dalka Imaaraadka Carabta ugu yaboohdo Soomaaliya.

“Dowladda Imaaraadka oo ka jawaabaysa baaqii golaha xukuumaddu kasoo saaray xaaladdaha adag ee ka jira deegaano ka mid ah gobollada dalka ayaa maanta na-soo gaarsiisay deeqdii ugu horreysay oo jawaab u ah baaqeennii, deeqdani waxaa si deg-deg ah loo gaarsiin doonaa goobaha ay ka jiraan abaaraha,” ayuu yiri C/weli Sheekh.

Ugu dambeyn, ra’iisul wasaaruhu wuxuu dadka Soomaaliyeed iyo caalamka mar kale ka dalbaday mar inay u gurmadaan shacabka Soomaaliyeed ee duruufaha adag ku haystaan gobollada qaarkood.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya