4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 26, 2014
Saddex Askari oo ku Dhimatay Shil ka dhacay Magaalada Garoowe (SAWIRRO)


Sabti, July 26, 2014 (HOL) — Saddex askari oo ka tirsanaa ciidamada Daraawiishta ee Puntland ayaa ku geeriyoodey 14 kalena way ku dhaawacmeen shil gaari oo ka dhacay gudaha magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland.

Gaari nooca tiknikada ee ay ciidamadu kaxeystaan ah ayaa askartaas gelinkii hore ee maanta kula rogmadey meel u dhow xarunta Hay'adaha Qaramada Midoobey ee magaalada Garoowe.

Saraakiisha ciidamada nabadgeylyada waddooyinka Puntland laantooda gobolka Nugaal ayaa sheegay in sababta shilkaasi ay ahayd gaariga oo xawaare aad u sareeya ku soconayey.

Madaxweynaha Puntland oo askarta dhaawaca ah ku booqday isbitaalka ayaa tacsi u diray eheladii iyo qaraabadii ay ka tageen saddexda askari ee geeriyootey, isagoo kuwa dhaawaca ahna u rajeeyey caafimaad deg deg ah.

Mudane Gaas wuxuu dhanka kale amar ku bixiyey in askarta uu dhaawacoodu halista yahay ee aan dalka waxba looga qaban karin loo qaado dibadda, si ay u helaan daryeel caafimaad oo tayeysan.

Toddobaadkii hore shilal gaadiid oo ka dhacay inta u dhexeysa Gaalkacayo iyo Garoowe, waxaa ku dhintay ku dhowaad toban qof tiro kale oo intaas ka badanna dhaawac ayaa kasoo gaarey.



Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya