4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 26, 2014
UNOCHA oo Sheegtay in barakacaayasha Muqdisho ay u baahan yihiin gargaar


Sabti, July 26, 2014 (HOL) — Hay'adda UNOCHA ee Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in 350,000 oo qof oo ku nool magaalada Muqdisho ay u baahan yihiin gargaar deg-deg ah, dadkan oo ah kuwa ku jira xeryaha barkacayaasha ayaa waxay qaarkood Muqdisho soo gaareen sannadkii 2011, markaasoo deegaannadoodii ay abaaro ku dhufteen.

“Xaaladda cunno oo aad u liidata ayaa waxaan ka digaynaa inay sababto macluul qaybo ka md ah Soomaaliya ka dillaacda,” ayaa lagu yiri warbixin kasoo baxday xafiiska OCHA ee Soomaaliya.

“Hay’adaha gargaarka ma awoodaan inay la kulmaan dadka cunnada u baahan ee gaaraya 350,000 ee qof, kuwaasoo ah barakacayaal,” ayuu hadalka lagu daray. Iyadoo la xusay in digniintan oo maalmahan soo socota ay soo gaartay Muqdisho.

Digniintan ayaa imaanaysa kaddib markii 250,000 oo qof ay dishay macluushii ku dhufatay deegaanno ka tirsan Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya sannadkii 2011, waxaana ay u badnaayeen dadkan geeriyooday carruur.

Somalia oo sannadkii 2012-kii ay ka dhalatay dowlad dhameystiran ayaa looga fadhiyay inay wax ka qabato xaaladda cunno iyo amni ee dalka ka jirtay, balse weli waxaa muuqanaysa inay jiraan dad gargaar u baahan oo hay’adaha samafalku aysan booqan karin deegaannada ay ku nool yihiin.

Ha’yadda ayaa warbixinteedan kusoo beegmaysa xilli dad badan oo barakacayaal ah ay gaareen magaalooyinka, sida Baydhabo oo ah xarunta gobolka Bay, waxaana dadkan ay intooda badan ahaayeen dad beeraley ah.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan sheegtay in cunno-yaraan iyo abaaro ay qaybo ka mid ah dalka ka jiraan, iyadoo ugu baaqday hay’adaha caalamka iyo dadka Soomaaliyeed inay gacan siiyaan dadka ay abaaruhu saameeyeen.

Ra’iisul wasaaraha Somalia, C/weli Sheekh Axmed ayaa isaguna sheegay inay xukuumaddu ugu deeqday dadka abaaruhu saameeyeen lacag gaaraysa $500,000, taasoo ahayd lacagtii ugu badnayd ee dowladdu ay ku bixiso gargaar bani'aadamnimo.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya