4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 26, 2014
Maamulka Khaatumo oo beeniyay in la qabsaday gaarigii xildhibaan Cali Khaliif

Sabti, July 26, 2014 (HOL) — Maamulka Khaatumo ayaa beeniyay hadal uu warbaahinta siiyay maamulka Somaliland kaasoo ay ku sheegeen inay qabsadeen gaarigii xildhibaan, Cali Khaliif Galaydh.

Agaasimaha wasaaradda arimaha gudaha maamulka Khaatumo, Maxamuud Sheekh Cumar Xasan ayaa beeniyay in gaarigii xildhibaan Galaydh ay qabsadeen ciidamada Somaliland, balse wuxuu qiray inuu jiro gaari ay ciidamadaas qabsadeen kaasoo uu ku sheegay inuu yahay gaari shicib oo horay ugu kireysnaan jiray xildhibaanka.

Sidoo kale, agaasimuhu wuxuu sheegay mar uu xalay ugu waramayay warbaahinta tuulada Saax-dheer oo 70-km ka xigta Koonfur magaalada Laascaanood, saldhigna u ah maamulka Khaatumo tan iyo laga saaray magaalada Taleex, bishii aynu soo dhaafnay ku dheeraaday dhibaatooyin uu sheegay inay ciidamada Somaliland u geystaan dadka rayidka ah.

Maxamed Cabdi Jaamac oo abti u ah ninka watay gaariga ay ciidanku qabsadeen ayaa HOL u sheegay in gaarigan uu yimid meel aan ka fogayn halka ciidamada ay deggen yihiin oo reerkiisu deganaa, isla markaana uu filaayay inaan cidina wax u sheeganayn, waxaase uu xusay inuu cararay markuu arkay in ciidan hubaysan u soo galeen sidaana lagu qabsday gaarigii iyo wiil la socday.

Gaarigan oo noociisu yahay Toyota SURF ayaa waxaa iska leh ganacsade degmada Taleex deggen laguna magcaabo, C/raxmaan Cumar Cali (Caweer) waxaanu HOL u sheegay in gaarigani uu muddo u kiraysnaa xildhibaan Cali Khaliif Galeydh wixii ka dambeeyayna uu hadba ciddii u baahata uu ka kiraysan jiray haba u bataan maamulka Khaatumo ama qurbo-joogta dalka timaada.

Warka gaarigan oo xalay oo dhan ay dadku isla dhexmarayeen bulshada deegaanka Sool siyaabo kala duwanna loo weriyay ayaa qaar ka mid ah wax-garadka tuulada Kala-baydh HOL u sheegeen in gaarigan oo jooga meel wax-yar ka durugsan halka ciidanka Somaliland ku sugan yihiin oo ay degeenaayeen qoyska ninka gaarigaas watay ay soo qabteen.

Dhinaca kale, Keyse Cabdi Yuusuf wasiir-u-dowlihii horumarinta gobolada Bari ee maamulka Somaliland ayaa soo gaaray magaalada Saax-dheer oo 75-km Koonfur kaga beegan magaalada Laascaanood. Keyse ayaa horay uga mid ahaa madaxdii ururkii hubaysnaa ee SSC ayaa boqollaal dad ah iyo mas’uuliyiinta maamulka Khaatumo ay kusoo dhaweeyeen duleedka tuulada Saaxdheer, waxaana halkaas ka hadlay madaxweynaha maamulkaas, Maxamed Yuusuf Jaamac (Indha-sheel) oo soo dhaweyn kaddib ugu baaqay qaybaha kale ee deegaankan inay sida Kayse yeelaan.

Keyse Cabdi Yuusuf ayaa ka mid ah dadka sida aadka ah dhibaatooyin xoog leh u gala hor-yimid maamulka Somaliland waqtigii uu ahaa SSC ka mid ahaa, ayaa laga inuu waqtigan mar kale u bareero inuu jabhadeeyo.

Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
[email protected]
Laascaanood, Gobolka Sool