4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 26, 2014
Wasiirka Arrimaha Gudaha & Federaalka Somalia oo booqday Deg. Maxaas

Sabti, July 26, 2014 (HOL) — Waxaa saacadihii hore ee maanta gaaray degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan wafdi uu horkacayo wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka Somalia, C/llaahi Goodax Barre oo weyliyaan saraakiil ka tirsan xafiiska siyaasada AMISOM.

Sarkaal  ka tirsan maamulka gobolka Hiiraan oo ku sugan degmada Maxaas ayaa HOL u sheegay in wasiirrka iyo wafdiga la socda kulamo la qaateen maamulka degmada iyo qeybaha bulshada oo ay ka wada hadlleen arrimo la xiriira nabad-galyada iyo xaalada bani’aadanimo ee degmada oo ka mid ah degmooyinkii ugu danbeeyay ee laga saaray Al-shabaab.

Maamulka degmada Maxaas ayaa faah faahin dheeraad ah ka siiyay wafdiga uu horkacayo wasiirrka xaalada guud ee degmada, gaar ahaan marka la eego amniga oo ay sheegeen in wax badan laga qabtay, hasse ahaatee xaalada nolasha dadka tahay mid liidata.

Wasiirrka wasaarrada arrimaha gudaha iyo federaalka C/lllaahi Goodax Barre ayaa u sheegay maamulka iyo bulshada degmada in xukuumada si dhaw ula socto guud ahaanba xaalada degmooyinka laga saaray Al-shabaab, hasse ahaatee loo baahan yahay in la sameeyo nidaam gargaarka lagu gaarsiin karo dadka ku baahan.

“Waa in la dhisaa guddi ka kooban 21 xubnood oo qeyb ka qaadanaya xasilinta iyo gaarsiinta kaalmada ay u baahan yihiin dadka dhibaateysan, annaga ka wasaarad ahaan waxaa ballan-qaadeynaa marka guddigaasi dhismo in aan soo dirno wixii gargaar ah ee loo baahan yahay in la gaarsiiiyo dadka dhibaateysan,” ayuu yiri wasiirrka.

Safarka wasiirrka ee gobolka Hiiraan ayaa noqonaya kii ugu horeeyay tan iyo markii xukuumada hadda jirta la dhisay, waxaana lagu wadaa in uu uga sii gudbo degmada Maxaas degmooyinka kale oo aan si rasmi ah loo shaacin.

Wafdiga ayaa ka hor safarkooda Maxaas waxaa ay soo mareen degmada Buula-burte, hasse ahaatee sidda uu HOL u sheegay guddoomiyaha degmada Buula-burte Axmed Cabdi Weheliye kuma aysan hakan degmada iyaga oo uga sii gudbay  degmada Maxaas.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya