4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 26, 2014
Qaraxyo Siyaabo kala Duwan Xalay uga Dhacay Xaafado ka Tirsan Kismaayo

Sabti, July 26, 2014 (HOL) — Qaraxyo kala duwan ayaa xalay siyaabo kala duwan uga dhacay xaafado ka tirsan magaalada Kismaayo, iyadoo qaraxyadani ahaayeen kuwo aad u xooggan islamarkaana laga maqlayay guud ahaan xaafadaha magaalada Kismaayo.

Qaraxii ugu horeeyay ayaa lala beegsaday xarun ay leedahay shirkadda korontada ee Jubba, taasoo ahayd xarun dhexe oo korontada u qeybin jirtay xaafado ka mid ah magaalada Kismaayo, mana jirin cid wax ku noqotay, haseyeeshee waxa ku burburay xafiiskii shirkadda, iyadoo sidoo kale ay ku baaba’een dhamaan fiilooyinkii ka baxayay xaruntaasi.

Ciidamada nabadsugidda maamulka Jubba ayaa maalmihii u danbeeyay waday olole nal gelin ah oo lagu amrayay dadka degan xaafadaha kala duwan ee magaalada Kismaayo in ay leerar ku xiraan illinka hore ee guryahooda.

Qaraxa labaad ayaa lala beegsaday guri uu deganaa wasiir kuxigeenka iskaashiga caalamiga ah ee maamulka Jubba Mudane Cabdi Xuseen, waxaana lagu xiray diriishadda mid kamid ah qolalka uu ka koobanyahay gurigaasi.

Ma jirin cid wax ku noqotay qaraxani, haseyeeshee waxa isna sidoo kale ku burburay qolkii lagu xiray qaraxa oo ahaa qol fadhi ah oo la sheegay in uu marnaa xilligii uu qraaxu dhacayay.

Weerarradan ayaa kusoo beegmaya xilli maalmihii u danbeeyay ay magaalada Kismaayo ka soconayeen howlgallo ballaaran oo ay wadeen ciidamada nabadsugidda maamulka Jubba, kuwaasoo ay kusoo qabqabteen tiro dad ah oo looga shakisanaa in ay xiriir la leeyihiin xoogagga Al-shabaab.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]  
Kismaayo, Soomaaliya