4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 26, 2014
Booliiska Kenya oo dilay laba nin oo ay Sheegeen in ay Weerarro Fulin Rabeen

Sabti, July 26, 2014 (HOL) — Booliiska Kenya ayaa sheegay inay toogasho ku dileen laba qof oo hubeysnaa, kuwasoo ay ku eedeeyeen inay doonayeen inay weerar ku qaadaan markab taagnaa dekedda magaalada Mombasa ee Kenya iyo xarun booliis oo Mombasa ku taalla.

Taliyaha booliiska gobolka xeebta ku yaalla ee Kenya, Nelson Marwa ayaa sheegay in ragga la dilay ay doonayeen inay weeraraan markabka dushiisa; isagoo intaas ku daray in ciidamadu ay ka hor-tageen weerarkaas.

“Waxaan u maleynayaa inay doonayeen inay dhibaato u geystaan dadka markabka saarnaa, balse waan ka hortagnay isku daygaas,” ayuu yiri Marwa oo wariyeyaasha kula hadlay magaalada Mombasa.

Ma uusan sheegin taliyuhu in raggan ay ka tirsanaayeen kooxo argagaxiso ah oo ka dagaalanta dalka Kenya iyo inay ahaayeen rag si madax-bannaan u doonayay inay weerarka u geystaan.

Gobolka xeebta ku yaalla ee dalka Kenya ayaa waxaa ka dhacayay weerarro is-daba-joog ah tan iyo sannadkii hore, iyadoo weerarradaas intooda badan ay si rasmi ah u sheegatay mas’uuliyadooda Xarakada Al-shabaab ee Soomaaliya.

Toogashada ciidamada booliiska ay u geysteen labadan ruux ee ay sheegeen inay uga shakiyeen inay weeraraan markabka taagan xeebta Mombasa, ayaa waxay kusoo beegmaysaa iyadoo maalin ka hor ay rag hubeysan toogteen haweeney u dhalatay dalka Jarmalka oo dalxiise ahayd.

Sidoo kale horraantii bishan ayaa lagu dilay magaaladaas haweeney Ruush ah oo u joogtay dalxiis, kaddib markii ay weerareen kooxo bastoolado ku hubeysan xilli ay iyada iyo saaxiibadeed ku jireen dalxiis.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya