4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 26, 2014
Culummada Soomaaliyeed oo Cambaareeyay duqeymaha Yuhuudda ee Gaza

Sabti, July 26, 2014 (HOL) — Culummada Soomaaliyeed ayaa si adag u cambaareeyay duqeynta ay dadka badan ku dhimanayaan ee Yuhuuddu ay kawaddo Marinka Gaza ee dhulka Falastiin.

Kulan ay culummadu ku yeesheen Muqdisho ayay ku sheegeen in duqeyntu ay tahay mid aad looga xumaado ayna ku dhimanayaan dad badan oo shacab ah oo ay ku jiraan carruur aad u da’yar.

Guddoomiye ku xigeenka majmaca culummada Soomaaliyeed, Sheekh Axmed Macallin Yuusuf oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in ummadda muslimiinta ah, gaar ahaan Somaalida looga baahan yahay in ay garab-is-taagaan walaalahood  reer Falastiin oo ay ka dhiidhiyaan xasuuqa Yahuuddu ku hayso.

“Waxaa looga baahan yahay muslimiinta oo dhan, gaar ahaan Soomaalida inay af iyo adinba ku garab-istaagaan  walaalahooda Falastiin ee dhibaatada lagu hayo,” ayuu yiri Sheekh Axmed Macallin, isagoo xusay in ka culummo ahaan ay si adag u cambaareynayaan duqeyntaas.

Sidoo kale, waxaa kulanka ka hadlay Sheekh Axmed Xasan Al-Qudubi oo sheegay in dhibaatada halkaas ka jirta ay mas’uul ka yihiin dalalka Carabta oo indhaha ka qarsaday sida uu sheegayo dhibaatada ay Yuhuuddu ku hayso shacabka Falalstiin.

“Dalalka Carabta ayaa ma’suul ka ah dhibaatada loo geysanayo Falastiiniyiinta, waayo wax jawaab ah kama bixin weligood dhibaatada shacabka Falastiin lagu hayo. Yuhuuddu markii ay doonto ayay duqeysaa, mana jirto cid la hadasha,” ayuu si ay caro ku jirto u yiri Sheekh Axmed Al-Qudubi.

Hadalka culummada Soomaaliyeed ayaa wuxuu imaanayaa iyadoo maamulka Israel auu ku dhawaaqay inuu xoojinayo duqeymaha uu ku hayo Marinka Gaza, kuwaasoo galay toddobaadkii saddexaad, waxaana tan iyo markii ay duqeymahan billowdeen ku dhintay 800-qof oo Falastiiniyiin ah oo ay ku jiraan caruur yar-yar iyo haween.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya