4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 25, 2014
Ciidan Booliis ah oo la Wareegay dhismaha Radio Jowhar Hawadana ka saaray

Jimco, July 25, 2014 (HOL) — Iyadoo guddoomiyaha gobolka Shabeellada dhexe, Cabdi Jiinoow Calasoow uu amar ku bixiyay in Radio Jowhar uu kaga guurto 24-saac gudahood  dhismaha uu ku shaqeyso ayaa maanta xarunta idaacaddaas ciidammo ka tirsan booliiska degmada Jowhar, kuwasaoo hawada ka saaray idaacadda.

Maxamed Abuukar Caseyr oo ah agaasimaha Radio Jowhar ayaa sheegay in ciidan booliis ah ay xoog ku galeen xarunta idaacadfa, isla markaana damiyeen, ayna ku siiyeen amar in shaqaalaha idaacadda ay dibadda uga baxaan, wuxuuna intaas ku daray inay tuseen warqad uu kusoo amray guddoomiyaha gobolka in idaacadda la xiro.

“Radio Jowhar oo hawada ku jira ayaa waxaa saaka soo galay ciidammo booliis ah; iyadoo dhismaha idaacaddana ay ku hareereysan yihiin ciidammo kale; idaacadda ayay hawada ka saareen, waxay nagu war-geliyeen inuu amarkan bixiyay Jiinoow, waxayna nagala wareegeen dhammaan furayaashii idaacadda,” ayuu yiri Caseyr oo u warramayay warbaahinta.

Guddoomiyaha gobolka Shabeellada Dhexe ayaa amar ku bixiyay shalay in muddo 24-saac ah ay uga guurto dhimasha idaacadda ay  deggen tahay oo uu sheegay in ay soo codsatay wasaaradda xannaanada xoolaha ee xukuumadda Soomaaliya.

“Anaga xaruntan oo bur-bursan ayaa sannadkii 2003-dii waxaa nagu wareejiyay maamulkii hore ee gobolka, waxaan bulshada ugu adeegaynay muddo 12-sano ah si mutadawacnimo ah, mana arag wax dhibaato ah; markaan weydiinay wasaarada Xannaanada Xoolaha waxay noo sheegeen inaanay jirin wax codsi ah oo ay kaga dalbadeen guddoomiyaha gobolka Shabeellada dhexe inaan dhismaha xilligan baahi u qabno oo aan doonayno in idaacada laga saaro,” ayuu agaasimaha Radio Jowhar.

Sidoo kale, Caseyr ayaa sheegay in xitaa haddii ay dhismahaas ka baxayaan aanay macquul ahayn in 24-saac gudahood ay uga guuraan, waxaana uu ku tilmaamay in go’aanka guddoomiyaha uu yahay mid soo booddo ah oo qayb ka ah qorshe uu ku doonayo inuu ku caburiyo saxaafadda xorta ah.

Radio Jowhar ayaa ah idaacada keliya ee ka howlgasha degmada Jowhar, iyadoo ah tan ay shacabka ku nool degmada Jowhar iyo daafihiisa kala socdaan xaaladaha is-bedelaya ee dalka ka jira.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya