4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 25, 2014
Carruur Agoon u badan oo Dharka Ciidda loogu Qaybiyey Waaberi (SAWIRRO)


Jimco, July 25, 2014 (HOL) — Xarunta degmada Waaberi ee gobolka Banaadir ayaa lagu qabtay galabta munaasabad ballaaran oo deeq ka kooban dharka ciidda lagu gudoonsiinayay carruur isugu jirta agoon iyo kuwo dan-yar ah oo tiradoodu ay ku dhoweyd 200, kuwaasoo isugu jira gabdho iyo wiilal.

Munasaabaas ayaa waxaa ka qaybgalay mas’uuliyiinta degmada Waaberi, ardayda wax-ka-barata dugsiga hoose dhexe ee Waaberi Group, maamulka iyo macalimiinta iskuulkaas, sidoo kale qaxaa goobjoog ka ahaa waaliddiin, xubno qurba-joog ah oo kasoo jeeda degmadaas iyo marti sharaf kale.

Guddoomiyaha Olombikada degmada Waaberi, Cali Rooble oo halkaas ka hadlay ayaa sheegay in deeqdan dharka ah isaga loosoo wakiishay ayna soo direen jaaliyada reer Waaberi ee ku nool koonfurta London (South London Islamic Center Straetham).

Cali Rooble ayaa intaas ku daray in laga soo billaabo sannadkii 2006-dii ay sannad walba xilligan oo kale dadka reer Waaberi ee London ku nool ay deeq noocaan oo kale ah u soo diriayeen qaar ka mid ah carruurta agoonta ah iyo kuwa kasoo jeeda qoysaska dan-yarta ah ee degmada ku nool si ay munaasabadda ciiddul-fidriga ula qaybsadaan carruurta kale asaaggood ah.

“Deeqdan dharka ah waxaa soo diray, sannad walba xilligaan oo kale lasoo diraya tan iyo 2006-dii, walaalaha jaaliyada Waaberi ee Koonfurta London, carruurta loo qaybiyey waxay tiradoodu gaareysaa 2,12-qof waxay u qaybsan yihiin 132 wiil iyo 80 gabdhood, badankood caruurtan waxay wax ka bartaan dugsiga Hoose/Dhexe ee Waaberi Group oo ay aasaaseen dadka reer Waaberi ee London ku nool,” ayuu yiri Cali Rooble.

Sidoo kale,  wuxuu intaas ku daray in wiilasha ay isugu jiraan 99 agoon ah iyo 33 kasoo jeeda qoysas dan-yar ah, halka  dhinaca gabdhahana uu xusay inay yihiin 67 agoon ah iyo 13 dan-yar ah, wuxuuna Cali Rooble u mahad-celiyay dadkii soo diray deeqdan qiimaha leh.

“Waxaan si gaar ah ugu mahad-celinayaa Xaaji C/casiis Muudey Caraaye oo aabbe u ah howshan iyo maareeyaha dekedda Muqdisho, C/llaahi Cali Nuur oo isagana u taagan had iyo jeer inuu taageero shacabka Waaberi iyo intii kale ee gacanta ka geysatay,” ayuu yiri Cali Rooble hadalkiisa ku daray.

Dhanka kale, waxaa isagana ka hadlay munaasabadda guddoomiyaha degmada Waaberi, Axmed Muumin Maxamed oo sheegay in deeqdan ay soo direen jaaliyadda reer Waaberi ee London ay tahay mid aad uga farxinaysa carruurta agoonta ah iyo kuwa dan-yarta ah ee ka faa’iidaystay.

“Carruurta agoonta ah iyo kuwa dan-yarta ah ee maanta halkaan la isugu keenay way faraxsan yihiin farxaddaasna mahaddeeda Ilaahay ka sokow waxaa iska leh dadkii soo diray deeqdan iyo kuwii soo gaarsiiyay. Ilaahay ajar iyo xasanaad badan ha ka siiyo,” ayuu yiri gudoomiyaha degmada Waaberi.

Axmed Xasan Muumin ayaa ugu baaqay shacabka Waaberi inay is-taakuleyaan, midkooda wax ILAAHAY siiyayna uu garab qabto walaalkiis aan waxba haysan, isagoo si gaar ah baaq ugu diray jaaliyadaha kasoo jeeda degmada ee ku dhaqan caalamka, wuxuuna ballan-qaaday in maamulkiisu uu gacan ka geysan doono isku-xirka iyo is-kaalmeynta shacabka degmada meel kastoo ay joogaan.

Waxaa sidoo kale munaasabadaas goob-joog ka ahaa xubno ka tirsan qurbo-joogta reer Waaberi sida Cumar Mukambe iyo Cismaan Muudey Caraaye oo reer London ah, Maxamed Yuusuf Cali (Geeddi) oo isna ka yimid dalka Norway iyo xubno kale oo ay ka mid yihiin guddoomiyeyaasha naadiyada heerka labaad ee FC Dahab-shiil iyo FC Banaadir Cali Yuusuf iyo C/llaahi Cilmi Maxamud.

Cumar Mukambe oo ku hadlayay magaca Jaaliyadda reer London ayaa balan-qaaday inay sii wadi doonaan taageerada iyo horumarinta shacabka degmada Waaberi, iyadoo waaliddiinta caruurta deeqdaas la gaarsiiyay ay wejiyadooda ka muuqatay farxad fara badan ay si weyn ugu mahad-celiyay dadkii u soo diray, waxayna sheegeen inay kusoo aadday deeqdan xilli ay si aad ah ugu baahnaayeen, iyagoo ugu duceeay kuwii soo dhiibay inuu ALLE siiyo bedel ka khayr badan. 

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya