4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 25, 2014
Hay’adda Peace Corps oo arrimo amni u joojisay shaqooyinkeedii Dalka Kenya

Jimco, July 25, 2014 (HOL) — Hay’adda ka shaqaysa arimaha doorashooyinka ee  Peace Corps lagana leeyahay dalka Maraykanka ayaa iclaamisay joojinta howlihii shaqo ee ay ka hayeen gudaha dalka Kenya arrimo la xiriira amniga oo aysan uga sii shaqayn karin.

“Hay’addu waxa ay si dhow ula socotay xaaladaha amni ee dalka ,waxaana aan go’aansannay inaan xirno xafiiskayagii Kenya,” ayaa lagu yiri war-murtiyeed ka soo baxay Corps oo dhinacyo badan ka hadlayay.

“Si gaar ah waxaan u qiimayn doonnaa marka ay suurtagal tahay dib u bilaabidda shaqooyinkeeni Kenya,“ ayaa mar kale lagu yiri warbixintan, iyada oo shaqaale dhan 50 ruux kala baxday Nairobi iyo nawaaxigeeda.

Dowladda Maraykanka ayaa horey digniino uga soo saartay amniga dalkaas, iyadoo ciidamo dheeri ah la keenay safaaradda USA ee Nairobi si ay amnigeeda u sugaan, waana markii labaad oo shaqaalaha hay’addaas laga soo saaro Kenya.

“Qaar kamid ah shaqaalaha sida mutadawacnimada ah u shaqaynaya waxa soo wajaha caqabado badan oo dhinaca amniga la xiriira, waayo ma haystaan cid amnigooda sugta,“ ayay tiri Nik Schuetz oo hay’adda ka howl-galaysay muddo sanado ah.

 Hay’adda Peace Coprs ayaa la asaasay sanadkii 1961-dii ,waxaana hadda ka howl-gala shaqaale dhan 7,000 oo ruux  oo ku kala sugan 65-dal oo adduunka ah, waxayna inta badan ka shaqeyaan arimaha caafimaadka, deegaanka iyo waliba doorashooyinka.

Faysal Mohamed Hassan
[email protected]